Maxaa Kusoo Kordhay Xiisaddi ka taagneed Wadanka Ukraine

0
Saturday February 19, 2022 - 08:28:17 in News by
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kusoo Kordhay Xiisaddi ka taagneed Wadanka Ukraine

    Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay doonayaan inay weerar ku qaadaan caasimadda Ukraine ee Kyiv.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay doonayaan inay weerar ku qaadaan caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Madaxweynaha MaraykankaJoe Biden ayaa sheegay inuu "ku qanacsan yahay” madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu go’aansaday inuu ku duulo Ukraine, laakiin wuxuu xusay in dublamaasiyadu aanay weli miiska ka bixin.


 

 

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay doonayaan inay weerar ku qaadaan caasimadda Ukraine ee Kyiv.



 

Hadalkiisa Aqalka Cad, Biden wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu rumeysan yahay in ciidamada Ruushka ay u badan tahay inay tallaabo qaadaan toddobaadka soo socda.


 

"Waxaan aaminsanahay inay beegsan doonaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 2.8 milyan oo qof oo aan waxba galabsan,” ayuu yiri.


 

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo Aqalka Cad uu Ruushka ku eedeynayo weerarrada dhanka Internetka ah ee dhawaan lagu qaaday Ukraine, waxaana qiimeyn cusub oo "madow” ah oo Mareykanka uu sameeyay ay muujineyso in Ruushka uu sii wado diyaargarowga duulaanka ah.


 

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa uga digay Qaramada Midoobay in Ruushka uu qorsheynayo in uu sameeyo cudurdaar sabab u ah weerar. Saraakiisha ayaa sheegay in jebinta xabad joojinta bariga Ukraine ay socotay ilaa jimcihii.


 

Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada hubeysan ee Ukraine iyo gooni u goosadka maamula qeybo ka mid ah bariga Ukraine ay sheegeen in duqeyn ay ka soo cusboonaadeen gobolka Donbas maalintii Khamiista, halkaas oo muuqaal CNN uu xaqiijiyey ay muujinayaan in dugsi xanaano uu madfac ku dhacay.


 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay inay ku xiran tahay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu ka qeyb galo shirka amniga ee dhamaadka usbuucan ka dhacaya Jarmalka.


 

"Taasi waa arrin uu isagu ku xukumo,” ayuu yiri Biden markii saxafiyiinta ay weydiiyeen ka dib hadal uu ka jeediyay xaaladda xiisadda Ukraine iyo Ruushka ee hadda.

Loading...
Loading...