QM Oo Aqbaal aan Waangsanayn kasoo Tabisay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya.

0
Saturday February 19, 2022 - 08:16:46 in News by
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM Oo Aqbaal aan Waangsanayn kasoo Tabisay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya.

    Abaarta ayaa sidoo kale galaaftay nolosha in ka badan nus malyuun xoolo ah, taas oo baabi'isay ilihii dhaqaalaha ee kumanaan qoys.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaarta ayaa sidoo kale galaaftay nolosha in ka badan nus malyuun xoolo ah, taas oo baabi'isay ilihii dhaqaalaha ee kumanaan qoys.

Tirada dadka ku barokacay abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ayaa laba jibaarmay bishii Jannaayo iyadoo markii hore ahayd 245,000 ilaa 554,500, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay Jimcihii.


 

Inta badan dadka barakacayaasha ah ayaa ka soo barakacay gobollada Galgaduud, Mudug iyo Baay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.



 

Sida lagu sheegay bayaanka4.3 milyan oo qof ayay abaartu saamaysay, kuwaas oo dalbanaya gargaar bini’aadantinimo oo joogto ah.


 

"Abaartu waxay sii korortay ee Soomaaliya iyadoo in ka badan 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen, marka loo eego 3.2 milyan bishii December 2021,” ayaa lagu yiri bayaanka.


 

"Wax-soo-saarka dalagyada ayaa laga soo sheegay gobollada dhexe, iyadoo wax-soo-saarkii xilliga-goosadka uu ka dhacay gobollada Koonfur iyo Waqooyi-galbeed, taasoo keentay in wax-soo-saarkii deyrta saddexaad ee ugu hooseeya (inti u dhexeysa Oktoobar iyo December) laga soo bilaabo 1995-kii Koonfurta Soomaaliya,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.


 

Sababo la xiriira saameynta isbiirsaday ee roobab xumida iyo nabad-gelyo-xumada, ayay tiri QM, ilaa 4.1 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto oo degdeg ah.


 

Iskahorimaadyada ku saleysan kheyraadka ee biyaha iyo daaqa, oo ay weheliyaan khataraha xadgudubyada jinsiga, ayaa sidoo kale kor u kacaya inta lagu jiro abaarta, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay.


 

Abaarta ayaa sidoo kale galaaftay nolosha in ka badan nus malyuun xoolo ah, taas oo baabi’isay ilihii dhaqaalaha ee kumanaan qoys.

Loading...
Loading...