Xagee Maraysaa Doorashada Xildhibaanada Soomaaliya? Warbixin...

0
Saturday February 19, 2022 - 08:11:59 in News by
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagee Maraysaa Doorashada Xildhibaanada Soomaaliya? Warbixin...

    Ilaa hadda waxaa la doortay 156 kursi waxaa dhiman waxaa harsan 119 kursi oo intooda badan ku dhiman Puntland , Jubbaland iyo Hirshabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa hadda waxaa la doortay 156 kursi waxaa dhiman waxaa harsan 119 kursi oo intooda badan ku dhiman Puntland , Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ka socota qaar ka mid ah caasimadda maamul gobooleedyadda, iyadoona sidoo kale Koonfur Galbeed noqotay maamulkii ugu horreeyay ee soo afjara doorashada deegaanka doorashada labaad ee Baraawe.


 

Sidoo kale gobolada Waqooyi oo doorashadoodu ka socoto Muqdisho ayaa dhamaad ku dhow halka lagu waddo in doorashada Banaadiriga la doorto maalinta isniinta ah.



 

 

In kastoo tiro wax yar ka badan kala bar 275ka kursi ee Baarlamanka la doortay, hadana marka la eego tirada dhiman iyo caqabdaha qaar waxay u muuqataa inay dib uga dhacayso wakhtiga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada ee 25ka bishan.


 

Ilaa hadda waxaa la doortay 156 kursi waxaa dhiman waxaa harsan 119 kursi oo intooda badan ku dhiman Puntland , Jubbaland iyo Hirshabeelle.


 

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.


 

Khilaafka ugu xooggan ayaa hadda ka taagan kuraasta taalla magaalada Garbahaarey oo maamulka Jubbaland ay si weyn iska diideen in doorashada kuraasta taalla la shaaciyo maadaama dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay ciidamo badan geysay halkaasi.


 

Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina waxa uuna sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.

Loading...
Loading...