Wasiir Ha Wadin Dhaantada Ee Waraabi Dadkaaga.

0
Friday February 18, 2022 - 16:25:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ha Wadin Dhaantada Ee Waraabi Dadkaaga.

    W/Q: Abdinasser Ahmed Handulle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdinasser Ahmed Handulle

Waa iga Talo iyo Toosin Waa IGA Tilmaam iyo Tudhaale Waa Xaalad Dhab Oo Jirta Indhahana Aan Laga Qarsan Karin Waxaan Fariintan Udirayaa Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Hasan Maxamed Cali Mareexaan.



Wasiir Waxaan Uhadlayaa Waa Hooyo Aabe iyo Caruur Aan Haysan Biyo Ay Jidiinka Mariyaan

Gaajo sixir barar keenay ayaa Dilaaga Haraadka udheer.


Duunyadii dhamaad ayay ku dhawdahay dadna way dhimanayaan cidna uma maqna ceelna uma qodna.

Waa Xili Kulayle Abaari Uraacday oo aanay haysan geed ay ka hadhgalaan milicda Raxmaadkii Eebane Kasoo Raagay codkoodu Kuma soo gaadho laakin War kuma seegana.


Hadaanad maanta Waraabin ma Guga ayaad Haraad tiri?

Dadkaan kaala hadlayaa waa dadkaad wasiirka u ahayd maanta waa maalintii aad la joogi lahayd ee aad ugu tagi lahayd halka haraadku Ku hayo ee maaha maalintaad xafladayn lahayd dad iyo duunyo haraad baa loo dhimanayaa dhawaaqa baxaya iyo dhiilada Bari Ka Imanaysa dhegahaagu Waa maqlayaan Wasiir fadhiga Ka kac Oo ufaydo dadkaagu siday uga samata bixi lahaayeen haraadka Jira Xaaladu Hada Waxay maraysaa halkii Ugu xumayd.


Wasiir intaad joogtay waa qiraynaa waxaad qabatay waanan ognahay lkn waxa timi baahi haraad Oo kabadatay intaad qabatay qoraalkaygani maaha dhaliil iyo maagid Ee Waa dhiirigalin iyo baraarujin Dadkaagii way kusugayaan bal qiyaas hooyada hawd guntii joogta Ee aan haysan cid iyo ciirsi toona kuna haraadan rabigeed Oo Umaqan Mooyee mahaysto meel ay wax Kuugu soo gudbiso oo Ay kaaga waranto xaaladeeda lkn Waxaa Loo baahanyahay inaad Adigu Ka wardoonto.


Wasiir Xafladaynta Iyo Tumashada Dhaantada Maaha Maalinteedii ee waa maalintii Aad la Dareen noqon lahayd Dadkaaga Garabkoodana istaagi Lahayd.


W/Q: Abdinasser Ahmed Handulle

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...