Wariye Ka Shaqayn Jiray Tvga Qaranka Somaliland Oo Loo Doortay Baarlamaanka Somaliya

0
Friday February 18, 2022 - 16:12:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Ka Shaqayn Jiray Tvga Qaranka Somaliland Oo Loo Doortay Baarlamaanka Somaliya

    Qoraal ay baahiyeen guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu yidhi sida tan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ay baahiyeen guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu yidhi sida tan

Muqdisho (HWN) Wariye Nuuradiin Coljoog, ayaa loo doortay maanta xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, TV-ga UNIVERSAl.

 

Wariye Nuuradiin ayaa ka tirsanaa Telefishanka Universal, isagoo horey uga soo shaqeeyay TVga Qaranka Somaliland iyo Saab TV.

 

Nuuradiin, ayaa magaalada Hargeysa ka tegay kadib markii la xidhay TV-ga UNIVERSAl oo uu xilligaasi ka shaqayn jiray.

 

Qoraal ay baahiyeen guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu yidhi sida tan:

 

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#246

 

Musharixiinta ku tartamay waxay kala ahaayeen

 

1. Musharax xildhibaan , Mudane Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog

 

2. Musharax Xildhibaan, Marwo,Maryam maxamed nuur

 

Musharax Xildhibaan  Marwo Maryam maxamed  nuur ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada.

 

Musharax xildhibaan mudane  nuuradiin cabdilaahi coljoog ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, wuxuuna helay 96  cod, waxa ka aamusay 2qof

 

Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#246 Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog


Loading...
Loading...