Ramaax Oo Ka Hadlay Kulanka Muuse Biixi Iyo Maxamuud Xaashi

0
Friday February 18, 2022 - 15:54:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramaax Oo Ka Hadlay Kulanka Muuse Biixi Iyo Maxamuud Xaashi

    "Maxamuud markii hore qoladayada urur doonka ah ayuu ku jiray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxamuud markii hore qoladayada urur doonka ah ayuu ku jiray"

Hargeysa (HWN) – Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay aragdiisa ku wajaahan kulankii dhexmaray Madaxweynaha iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu tilmaamay inuu filayey in Maxamuud Xaashi urur siyaasadeed furanayo.

 

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sidoo kale ka hadlay furista ururada siyaasadda, waxaanu yidhi "Waxaa loo diyaar yahay in la galo Doorashadii Ururrada, oo anagu diyaar u nahay, taas wixii ka dambeeya siduu sharcigu qorayaa Saddexda Xisbi ee soo baxa ayaa Madaxtooyadana u tartami doona, maaha wax uu muran ka taagan yahay, laakiin waxaa jirta jahawareerin oo rag dan lihi ay dadka wareerinayso oo ay leeyihiin taas ayaa soo horeynaysa, mid soo horeeynaysaa ma jirto ee waxaa soo horeynaysa taas tobanka sannadood la sugayey, taas ayaana diyaar loo yahay, marka bisha lixaad gaadhana waxaanu anagu diyaar u nahay tartankii ka qayb galno ummaddana quluubtooda aanu hantino, oo aanu ku hantino waxay ummaddu wada leedahay, oo ka duwan kuwan imika jooga, haddii sidii UDUB Xisbiyada jiraa gudbin waayaan oo ay gali waayan tartanka sidii UDUB ayey iska hadhayaan, UDUB halkaas ayey ka baxday ciddina kamay shacab badnayn”.

 

Mar uu ka hadlayey Maxamuud Xaashi iyo kulankii ay wada kulmeen Madaxweynaha wuxuu yidhi "Madaxweynaha waa lala kulmi karaa, oo Xidlhibaanadii oo dhan ayaa la kulmay, taasina waa mid shakhsiya oo khuseeysa, inkastoo aad ,moodid in Maxamuud markii hore qoladayada urur doonka ah ayuu ku jiray, oo  ururo furanaaye, bahashii wey adkaaday, ee haddii uu xisaabtamay oo halkiisii hore iskaga noqday waa mid u taala..”

 

 


Loading...
Loading...