Jahwareerka Ku Gedaaman Kursiga Uu Fahad Yaasiin U Tartamayo

0
Friday February 18, 2022 - 15:42:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jahwareerka Ku Gedaaman Kursiga Uu Fahad Yaasiin U Tartamayo

    "Xiriirka ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xiriirka ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa"

Guddiga doorashada maamulka HirShabelle ayaa ku gacan sayray go'aan kasoo baxay guddiga doorashada heer federal oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086 ee loo xiray Fahad Yaasiin, taasi oo la filayo inay dhacdo Axadda



Guddiga doorashada HirShabelle ayaa lagu sheegay in warqadda kasoo baxday guddiga heer federal ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan jirin cabasho kasoo gaartay kursiga HOP#086.


"Kaddib markii Guddiga maamulka doorashada Hirshabelle GMDHDX iyo dhammaan wakiillada Guddiyada heer Federal iyo Xalinta Khilaafaadka arkeen warqad lagu baahiyay baraha bulshada ee faraysay in la hakiyo Kursiga HOP#086 oo aan wadan wax faahfaahin ah iyo sababo lagu hakin karo kursi qabashadiisa la shaaciyay, Guddiga Doorashada HirShabelle asagoo gudanaya waajibaadkiisa Qaran iyo heshiisyadii Madasha wadatashiga qaran iyo dhammaan habraacyadii doorashada dalka waxa ay idiin xaqiijinayaan in guddigu uusan soo gaarin wax cabasha ah ee ka timid kursiga kor ku xusan," ayaa lagu yiri qqoraal ka soo baxay guddiga HirShabelle.


Kursiga ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana warqadaan ay ku soo aadaysa iyadoo guddiga horay u soo saaray warqad lagu joojiyey isla kursigaas oo haatan la sheegay inuu kula tartamayo Fahad Xaaji Yaasiin Daahir.


Guddiga ayaa tibaaxay in laga been abuuray sixiixa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban, kaas oo sixiixiisa lagu arkayey warqada la faafiyey.


Qoraalka hore ee kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban, ayaa waxaa ku sixiixna Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf, waxaana lagu sheegay in Guddiga ay soo gaareen cabashooyin ka yimid Odayaasha iyo Nabaddoonada leh kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo uu hadda u sharaxan yahay lataliyaha dhanka amniga madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Fahad Yaasiin.

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa bartooda Twitter-ka ku shaaciyay in laga jabsaday Bartooda Facebook.


"Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba ku wargelineynaa in Boggii ay ku lahaayeen Barta Facebook-ga uu galay gacan kale, sidaa daraaddeed intuu gacanta guddigu ku soo noqonayo wixii lagu faafiyo aysan waxba ka jirin."


Kursigan oo uu Fahad Yaasin u sharaxan yahay ayaa waxa uu noqday mid aad loo hadal hayay maalmahaan iyadoo shalay ilaa xalayna baraha bulshada aad loogu wadaagayay sawirka Fahad Yaasiin oo aan ahayn sawiradii horay looga hayay. Fahad ayaan inta badan ah qof aan la arkin oo hadalkiisa iyo muuqiisaba yaraa shantii sannadood ee la soo dhaafay.


Mar sii horreysay warar ay BBC Soomaali heshay ayaa sheegayay in ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86.


Xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in ra'iisal wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas.


Xildhibaan Faarax ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibeddiisa. Doorashadii 2017-kii u tartamay kursigan guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo marka masraxa siyaasadda la joogo loo arko kursi aad muhiim u ah, gaar ahaan xilliyada xasaadiga ah. Hase yeeshee waxaa kursiga heley Cabdiweli Muudeey.


Xiriirka ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii September 2021 uu ka qaaday xilka taliyaha hay'adda awoodda badan ee NISA.

 

BBC

 

Loading...
Loading...