TRAFIGURA Hadimo Qaran Oo Dad Gaari Ka Hodmeen !

0
Thursday February 17, 2022 - 20:25:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TRAFIGURA Hadimo Qaran Oo Dad Gaari Ka Hodmeen !

    Q/W: Maxamed Sidiiq dhame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Q/W: Maxamed Sidiiq dhame

Shidaalka waxa qaali ka dhigay heshiiska aan sharciga ahayn ee Shirkadda TRAFIGURA loogu daneeyay dadka kooban, ka hor TRAFIGURA Shidaalku wuu jabnaa oo waxa la keeni jiray dalka Shidaal qiimahiisa aynu la awood nahay. maanta foosto kasta waxa ku biirtay ($30) waxa lagu keenaa Foostada patrolka ah ($160 )Foostada Naaftada ah ($155) waxa dheer cashuurta Naaftada ($16.216) Foostada Patrolka ($19.1) Nooliga Foostadu kusoo gaadho Hargeysa waa ($5)  intaa waxa dheer faa’idada Kaalmaha Shidaalka.



Shirkadda TRAFIGURA dal kasta oo ay Shidaal keento waxay ka samaysaa Shirkad ka hoos shaqaysa, waxa la sameeya Shirkad la yidhaa (NOBIA) waxay sii wareejisaa Shidaalka waxaana soo kordhay macaash labaad, waxa sii raac macaashka Shirkadaha Shidaalka dalka usii qaybiya, heshiisyadani dhammaan waa sharci darro iyo qiime kac aan la qaadi karin, culays maaliyadeed iyo mid dhaqaale ayaa soo kordhay oo la baajin karo.


TRAFIGURA ka hor qiimaha Shidaalku wuxuu isku bedeli jiray ugu yaraan 2 bilood marka qiimuhu dunida ka kaco, hadda waxa loo bedelaa qiimaha Shidaalka si maalinle ah, bishii kowaad ee sannadkan wuxuu is bedelay qiimaha Shidaalku 4 jeer illaa uu gaadhay qiime saamayeeyay dhammaan dhaqaalaha iyo nolosha shacabka Somaliland.


8 bilood ee u danbeeyay waxa la keeni jiray dalka Shidaal jaban oo laga keeno Itoobiya, waxa dalkaasi joojiyay dabayaaqadii Jenuary, ceeb waxay ku tahay qarankeenna leh badda iyo haamaha kaydka Shidaalka, si shacabka loogu daneeyo waa in la joojiyaa heshiiska xaaranta ah ee aan la waafajin Dastuurka looguna danaynaayo qofaf!!!


Maxamed Sidiiq dhame

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...