Sixir Barar Iyo Siyaasad Barar

0
Thursday February 17, 2022 - 16:15:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sixir Barar Iyo Siyaasad Barar

    W/Q: Mukhtar Mohamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mukhtar Mohamed

Haddii aynu caawa xoogaa yar dul istaagno; arrimaha Maciishada ee kor u kacay bilahan danbe; Carrada Somaliland intii uu hoggaanka u qabtay Cornel, Muuse Biixi waxa soo food saartay Siyaasad barar, taasina waxa ay abuurtay Sixir barar, Dhaqaale xumo baahsan iyo Maciishada oo laba jibaar kor u kacday marka loo eego sanaddadii hore.

 

Sidaa awgeed, ayaamahan waxa aan baraha bulshada ku arkaayay olole la leeyahay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, mudane, Saajin ha is casilo oo xilka ha banneeyo!. Waa war iyo weedho sax ah oo kasoo baxaya bulshada reer Somaliland ee tawsta iyo tabaaladu kasoo gaadhay Cornel/Caaqil Muuse Biixi. 

 

Anigu waxa aan usoo jeedin lahaa mudanaha Wasiirka ka ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland, kaas oo ummadda u sheegi kari la halka dhibtu ka taagan tahay, go'aanna qaadan kari la. Ninkaa odayga ah ee Wasiirka ah Saddex go'aan  ba wuu qaadan karaa, kuwaas oo kala ah sidan: 1. In uu dhammaan ba iskugu yeedho Ganacsatada waawayn ee dalka keena maciishada daruuriga ah, isaga oo faraya amarro iyo tallaabooyin ku haboon xiligan la joogo iyo waxa taagan. Haddii ay qaadan waayaan amarrada iyo waxa uu farayna uu qaado tallaabada xigta.

 

2.  In uu kharash dawladdu leedahay ku dalbado maciishad daruuri ah oo degdeg ah, isla markaana ka gado dadka danyarta ah ee aan iibsan karin maciishada qaaliga noqotay. Kuwa kari karana loo sheego in aanay suuqa dawladda ku soo cidhiidhyin bulshada danyarta ah. Waana in uu dalabkaasi ahaadaa mid ku filnaan kara bulshada inta laga soo kabsanaayo sixir bararka iyo kor u kaca maciishada. 3. In uu gebi ahaan ba is casilo oo xilka uu hayo u banneeyo ummadda, isaga oo cudurdaar u gudbisanaya cafis iyo raali ahaan, isla markaana sheegaya in uu xakamayn kari waayay sixir bararka iyo kor u kaca maciishada iyo dhaqaalo xumada dalka haysta. 

 

Go'aan kasta oo uu qaato ninkaa Wasiirka ahina mid waliba waxa uu leeyahay saamayntiisa taban iyo tiisa togan ba. Mar walbana isaga waxa ay u tahay fursad dahabi ah oo isaga sumcadiisa ka dhigaysa mid qurxoon oo ka qaayo saraysa midii markii hore. oo waay dheh, Soomaalida ba loogama baran masuul sameeya qodobada xaga sare ku xusan; marka laga reerbo Wasiir hore Cali Warancadde oo beri hore oo uu ahaa Wasiirka Ganacasiga iyo Warshadaha Somaliland ka ahaa xukunkii mudane, Madaxwayne, Daahir Rayaale Kaahin, uu sameeyay mid ka mid ah go'aamadan xusan.

 

Go'aamadana waxa ugu sii xasaasisan oo bulshada dareenkeeda kicin kara, dawayna kara, waxna u tari kara dhawaaqa is casilaadda oo cudurdaar, raali galin sidoo kalena ay ku ladhan tahay sheegmo ah in uu xakamayn kari waayay qulqulatada sixir barar iyo dhaqaale xumo ee dalka haysata, taas oo ay keentay siyaasad bararka, silloonka iyo surma seegtada xukuumadda Muuse Biixi. 

 

Igaba dhan!.

Allahumma Ballaqtu,                              اللهمبلغت

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...