Mudaharaadka Salmiga Ahi Ma Ubaahanyahay In Xukuumada Fasax Looga Qaato?

0
Thursday February 17, 2022 - 16:05:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaadka Salmiga Ahi Ma Ubaahanyahay In Xukuumada Fasax Looga Qaato?

    "Mudaharaadku waxa uu la mid yahay inuu qofku hadlo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mudaharaadku waxa uu la mid yahay inuu qofku hadlo"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Mubaarik ayaa sheegay in mudaharaadka Salmiga ahi aanu ubaahnayn in fasax looga qaato xukuumada.



Garyaqaanka ayaa qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay uqornaa sidan:-

 

"Ma Maskaxdii bay abaari dadka kaga dhacday,waar mudaharaadka salmiga ahi uma baahnaa in oggolaansho loo qaato,waa xuquuq dastuuri ah qof aan sharciba baran oo aan waligii sharcigu sidu u shaqeeyo aqoon baa iska odhanaya Mudaharaadka waxa sharci ah in oggolaansho loo soo qaato.

 

"Mudaharaadku waxa uu la mid yahay inuu qofku hadlo,Ma qof baa marka uu hadlayo cid uga soo fasax qaadanaya oo odhanaya Fadlan inaan hadlaan rabaaye ma hadli karaa".

 

Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay inuu Abaabulo ama ka qayb qaato kulana ama banaan bax nabadeed oo xeerka waafaqsan ,eeg hadaa xeerku waa kan waa dastuurka laftiisa Qodobka 32aad Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyada soomaliland” Garyaqaan Mubaarik

Loading...
Loading...