Doorashada aan lagu tartamin oo Maanta ka dhacday Muqdisho, Dhuusamareeb & Baraawe!

0
Thursday February 17, 2022 - 12:53:46 in News by
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada aan lagu tartamin oo Maanta ka dhacday Muqdisho, Dhuusamareeb & Baraawe!

    Todobaadka soo socda ayaa waxaa la filayaa in kuraas kamid ah Golaha Shacabka lagu qabto Magaalooyinka, Kismaayo, Boosaaso, Beledweyne iyo Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadka soo socda ayaa waxaa la filayaa in kuraas kamid ah Golaha Shacabka lagu qabto Magaalooyinka, Kismaayo, Boosaaso, Beledweyne iyo Muqdisho.

Guddiyada doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta kuraas kamid ah Golaha Shacabka waxaa doorashadooda ay ku qabteen Magaalooyinka, Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Baraawe.


 

Kursiga Hop#147 oo doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb ayaa markale waxaa ku guuleystay Mahad Maxamed Salaad oo horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Shamso Cabdullaahi Maxamed, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay 101 Ergo oo goobta ku sugneyd.



 

 

Kursigaan oo kamid ahaa kuraasta ugu adag Galmudug ayaa waxaa u sharaxnaa balse laga reebay Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Yare Cali iyo Wasiirkii qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle oo kursiga laga reebay dartiis isku casilay.


 

Kursiga labaad ee doorashadiisa lagu qabtay Dhuusamareeb ee Hop#055 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xuseen Abuukar ( Gaaraxo) kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Saciid Cabdullaahi, waxaana cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen 100 Ergo, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Sakariye Xasan Sheekh Cali (Sakariye Gaashaan).


 

Kursiga Saddexaad Hop#035 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay guddoomiyaha Guddiga Amniga Golaha Shacabka Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey, waxaase Maanta ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi kadib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Axmed Cabdi, waxaana cod gacan taag ah uu ku helay 97 Cod halka laba ay ka aamuseen labana ay diideen.


 

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay doorashada 7 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, kuwaas oo ah kuraasta ugu dambeeysa ee doorashada XildhibaannadaGobolada Waqooyi ee Somaliland.


 

Kursiga Koowaad ee Hop#264 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cabdi Maxamed kadib markii ay u tanaasushay Sacdiyo Maxamed Cabdi, waxaana cod gacan taag ah u codeeysay 85 ergo laba ayaana ka aamusay.


 

Kursiga labaad ee Hop#212 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Nuuriye Aadan Ciise kadib markii ay u tanaasushay Farxiyo Maxamed Cabdullaahi, waxaana ay heshay 93 cod 7 cod ayaana halaabay.


 

Kursiga Saddexaad ee Hop#207 oo uu ku fadhiyay Feysal Cumar Guuleed ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Dr Maxamed Xasan Maxamed oo ah Dhaqtar ka yimid dalka Hindiya, kadib markii ay u tanaasushay Hodan Ilyaas Bashiir, waxaana cod gacan taag ah oo loo qaaday uu helay 97 cod halka Saddex cod ay halaabeen.


 

Kursiga Afaraad ee Hop#242 oo ay ku fadhisay Faadumo Ismaaciil Xuseen ayaa waxaa Maanta loo doortay Sahro Yuusuf cige kadib markii ay tanaasushay Aamina Abuukar Maxamed, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeyay 96 Ergo, iyada ay halaabeen Afar Cod.


 

Kursiga Shanaad ee Hop#224 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo u wareegay dhinaca Aqalka Sare ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Ceeydaruus Saalax Yuusuf kadib markii ay u tanaasushay Marwo Hoodo Saalax Cabdi, waxaana cod gacan taag ah uu ku helay 97 Cod, waxaana halaabay laba Cod.


 

Kursiga lixaad ee Hop#258 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Sahra Yuusuf Cige kadib markii ay tanaasushay Aamina Abuukar Maxamed, waxaana cod gacan taag ah uu ku helay 96 Cod halka Afar cod ay halaabeen.

 

Kursiga todobaad ee Hop#246 oo uu ku fadhiyay Axmed Maxamed Jaamac ayaa waxaa ku guuleystay Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog kadib markii ay u tanaasushay Marwo Maryan Maxamed Nuur, wuxuuna helay 96 cod laba ayaana ka aamusay.


 

Sidoo kale Maanta waxaa degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.


 

Kursiga Koowaad ee Hop#062 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Yuusuf Cismaan ayaa waxaa ku guuleystay Aweys Maxamed Cumar oo helay 80 cod halka musharaxii la tartamayey ee Abuukar Maxamud Macalin Cumar uu heley 20-cod, waxana halaabay laba Cod.


 

Kursiga labaad ee Hop#251 ayaa waxaa horay ugu fadhisay Muno Khaliif Sheekh Abuu ( Munokey) balse waxaa maanta ku guuleysatay walaasheed Nuuralcayn Khaliif Shekh Abuu, iyada oo heshay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamaysay Faaduma Abuukar Shekh ay heshay 8-cod, waxaana halaabay laba Cod.


 

Kursiga Saddexaad ee Hop#195 oo uu ku fadhiuau Maxamed Nuuraani Bakar ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) isagoo heley codad gaaraya 82-cod halka musharaxii la tartamayey ee Nuur Cali Nuur uu helay 19-cod.


 

Kursiga Afaraad ee Hop#187 oo uu horay ugu fadhiyay Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ku guuleystay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Faqi, isaga oo heley codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayey ee Nuur Cumar aadan uu halay 16-cod.


 

Kursiga Shanaad ee Hop#057 oo uu ku fadhiyay Axmed Cumar Islow ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Muqtaar Axmed Xasan oo heley codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamayey Iidle Ibraahim Nuur uu halay 7-cod, waxaana halaabay hal Cod.


 

Kursiga lixaad ee Hop#194 waxaa markale ku guuleystay Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayey ee Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12-cod.


 

Todobaadka soo socda ayaa waxaa la filayaa in kuraas kamid ah Golaha Shacabka lagu qabto Magaalooyinka, Kismaayo, Boosaaso, Beledweyne iyo Muqdisho.

Loading...
Loading...