Sadaqada Iyo Wax Istarka Xilliyada Daran.

0
Thursday February 17, 2022 - 11:32:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadaqada Iyo Wax Istarka Xilliyada Daran.

    Waa Waqti ay Dunidu la daalaa dhacayso Dulan iyo Cudur safmar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Waqti ay Dunidu la daalaa dhacayso Dulan iyo Cudur safmar




Sida aynu la socono waxaa lagu jiraa Xilli Adag oon kanoo kale dhowaanahaan Caalamka laga xasuusanin.


Waa xilli ay Dadkii iyo Dowladihii taajirka ahaa ee Dunida ku dhaqnaa ay deg-deg u faqriyeen.



Waa Waqti ay Dunidu la daalaa dhacayso Dulan iyo Cudur safmar ah oo salfaday Dad iyo hanti badan.waa xili ay taagan tahay Abaaro soo noqnoqday oo sahayday Dad iyo Xoolo.


Waa xilli imtixaan oo Eebe tijaabinayo Iimaanka isu gurmashada iyo wax istarka Ehelka iyo Bulshada.


Ilaahay wuxuu in Badan inagu booriyay Sadaqada iyo wax istarka,wuxuuna sidaa u yeelay danta inoogu jirto wax istaarashada ayuu Daa’imkeen og yahay.


Eebe wuxuu yiri:-

قال تعالى: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنفِقُوا مِمَّا رَزَقْنَاكُمْ مِنْ قَبْلِ أَنْ يَأْتِيَ يَوْمٌ لاَ بَيْعٌ فِيهِ وَلاَ خُلَّةٌ وَلاَ شَفَاعَةٌ وَالْكَافِرُونَ هُمْ الظَّالِمُونَ) [البقرة: 254].


"Kuwa iimaanka laga helayoow wax ka bixiya wixii aan idinku irsaaqnay ka hor inta aysan idiin imaanin maalin aan Wadaay iyo Ergo jirin oo ay gaaladu iyagu yihiin daalimiinta”.


Wuxuu kale oo uu Eebe yiri:-


وقال تعالى: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنفِقُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّا أَخْرَجْنَا لَكُمْ مِنْ الأَرْضِ) [البقرة: 267].


"Kuwa iimaanka laga helayoow wax ka bixiya Xoolaha aad wanaaga iyo xalaasha ku shaqaysateen iyo Badarka aan dhulka iyo Beeraha idinkaga soo saarnay”.intuba.


Sidoo kale wuxuu yuri:-


وقال تعالى: (فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا وَأَنفِقُوا خَيْرًا لأَنْفُسِكُمْ وَمَنْ يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُوْلَئِكَ هُمْ الْمُفْلِحُونَ) [التغابن: 16].


"Ka dhowrsada Eebe inta aad awooddaan,oo maqla oo adeeca oo in aad hor Alla wax la baxdaan ayaa naftiina u khayr badan,ciddii bakhaylnimada naftooda laga badbaadiyay kuwaa uun baa ah kuwa liibaanaya”.


Xaddiis ibnu cabaas rc uu nabiga scw ka warinayay ayaa wuxuu yiri:-


"وأخرج البخاري في صحيحه عن ابن عباس قال: "كَانَ رَسُولُ اللَّهِ –صلى الله عليه وسلم- أَجْوَدَ النَّاسِ، وَكَانَ أَجْوَدُ مَا يَكُونُ فِي رَمَضَانَ "


"Rasuulka scw wuxuu ahaa midka dadka ugu deeqsisan,wuxuuna ahaa mid Ramadaanta aad deeqsi u ah oo aad wax u sadaqaysta".


Waliba waxaa laysla qiray in sadaqada xilliyada adag ee ay dhibaatadu jirto ay ka waxtar iyo nafci badan tahay sadaqada waqtiyada caadiga ah,oo ilaahay wuxuu dadka kula dardaarmay in ay xilliyada daran dadku dhibaatooyinka adduun iyo kuwa aakhiraba ay sadaqo ku jiiraan oo ay dhibaatada kaga gudbaan.


"فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ (11) وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ (12) فَكُّ رَقَبَةٍ (13) أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَةٍ (14) يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ (15) أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ"


"oo dadku may dhibta iyo caqabadda jiiraan oo ka gudbaan,oo sidee looga gudbaa caqabadda,waa uun iyada oo qoor la xoreeyo ama quud lala baxo maalin ay gaajo darani jirto,quudkaa oo la siinayo agoon qaraabo ah ama miskiin aan waxba haysan oo dhulyaal ah".


Runtii in wax lala baxo xaaladahan oo kale oo wax bixinta laysku booriyo waa masalo ay Rabbi iyo Rasuulba inagu tirtirsiiyeen,oo Eebe wuxuuba inoo ishaaray in dadka wax sadaqatstaa aysan aakhiro shallaayi doonin halka kuwa aan wax sadaqaysan ay aakhiro shallaayi doonaan.


"وَأَنفِقُوا مِن مَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ الصَّالِحِينَ (10)"

"wax ka bixiya wixii aan idinku irsaaqnay inta uusan axadkiin mowdka u imaanin oo uu kolkaa yiraahdo Rabiyoow fiicnaan lahaydaa haddii aad ajashayda dib u yara dhigi lahayd si aan inta wax u soo sadaqaysto aan dadka wanaagsan ee saalixiinta oga mid noqdo.


In dadku wax bixinta ka sokow ay in wax lala baxo oo wax la is taarto isku boorin waayaan ayaa waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn ee lagu naar muto.


Waayo Eebe wuxuu yiri:-


"وَلَا تَحَاضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ (18)"


"isku boorin maysaan quudinta masaakiinta".


Wuxuu kaloo yiri Eebe:-


"مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ (42) قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ (43) وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ الْمِسْكِينَ (44وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ الْخَائِضِينَ (45)..."


oo maxaa Naarta Saqara idin galiyay,waxay oranayaan maynaan tukan jirin,oo masaakiintana waxba maynaan tari jirin oo meynaan quudin jirin".oo waxaanu ahayn kuwo wax kasta iska dhex dabaasha oo hadal tiro meelaha la taagan".


Dhanka kalana Eebe wuxuu tirtirsiinayaa oo uu khayr oo dhan ku soo koobaya seddex hadal ama shir oo uu midka sadaqada boorinaya ugu hormariyay oo wuxuu yiri:/


"۞ لَّا خَيْرَ فِي كَثِيرٍ مِّن نَّجْوَاهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَاحٍ بَيْنَ النَّاسِ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ ابْتِغَاءَ مَرْضَاتِ اللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا (114)


"Khayr kuma jiro in badan oo dadka faqooda iyo shirarkooda ka mid ah illaa dad sadaqo iyo is tarid ka arrinsanaya ama wanaag iyo wax san is farid ku fooggan ama islaaxinta iyo u kala dabqaadida dad dagaalsan ku howlan mooyee,ciddii hor Eebe sidaa u fasha ama rajayn ay raali ahaanshihiisa quudaraynayaan darteed waxaan siin doonaa ajar iyo abaal gud aad u weyn".


Ugu dambeyntii walaal ilaahay umaddiisa dhibaateysan waxba uma waayin oo waa isaga midka aakhirka u soo gurmada oo Addoomadiisa solonsiiya in ay wax is taraan ama si kale ugu soo gurmada masaakiinta goolmoon oo gaajada ka quudiya,ee inaga iyo intayada wax haysata ayaa iimaankooda lagu imtixaamayaa,oo ilaahay wuxuu doonayaa in uu sadaqada ku dahiro dambiyada dadka isaga rumeysan,oo uu adduunkana wax ku taro kuwa rumeysan iyo kuwa aan rumeysneynba.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...