Hanti Dhawrka oo Baadhis ka Bilaabay Wasaaradda Daakhiliga Gudaha

0
Thursday February 17, 2022 - 08:23:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti Dhawrka oo Baadhis ka Bilaabay Wasaaradda Daakhiliga Gudaha

    Waxaana halkaa kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda arrimaha gduaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaana halkaa kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda arrimaha gduaha



Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland ayaa baadhitaano ka bilaabay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland xarunteeda Hargeysa shalay arbacadii..


 

 

 

Hawl wadeenada xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland oo uu hoggaaminayo ku xigeenka Hanti dhawraha guud ee Qaranka Sacad Riiraash ayaa shalay subax ku waabariistay isla markaana baadhitaani ka billaabay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland



 

 

 

Waxaana halkaa kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda arrimaha gduaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.


 

 

 

Waxaa kale oo uu Hanti dhawrka guud baadhitaano ka wadaa gobolo iyo degmooyin ka mid ah dalka kuwaas oo la doonayo in lagu hubiyo sida loo maamulay ama loo illaaliyay hantida qaranka.


 

 

 

War qoraal ah oo lagu faafiyay bogga Face book ee Hanti-dhawrka Qaranka oo lagaga hadlay baadhitaanada ay shalay ka bilaabeen wasaaradda Arrimaha gudaha iyo degmooyin iyo gobolo kale oo dalka ka mid ah,ayaa lagu yidhi. "Saaka (shalay)subax waxaa uu xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland baadhiso ka bilaabayWasaarada Arrimaha Gudaha JSL, Qaar kamid ah Hawl-wadeennada Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo uu Hoggaaminayo Ku-xigeenka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Sacad Riiraash ayaa saaka(shalay) ku waabariistay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Wasiir-Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Degmooyinka iyo Gobollada.


 

 

 

Sidoo kale Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka waxa uu baadhiso ka bilaabay magaalo-madaxyada iyo Degmooyinka Gobollada Saaxil, Daad-madheedh, Togdheer, Buuhoodle, Saraar, Sool, Xaysimo, Sanaag iyo Badhan.


 

 

 

Noocyada baadhisaha oo ah saddexda nidaam baadhiseed ee uu jideeyay Xeerka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Xr. Lr. 76/2016, oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Wax Qabad iyo Baadhista Waafaqsanaanta Shuruucda, Ayaa muddada ay socoto waxa ka qayb qaadanaya saraakiil u tababaran Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah, oo sannadihii u danbeeyay lagu sameeyay isbaddallo wax ku oola oo Baadhisaha Qaranka u fududaynaya in lawada gaadho dhammaan Laamaha Dawladda ee kala duwan taas oo loo hirgalin doono hab casriya oo la jaan-qaadaya Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah.


 

 

 

Baadhisahan oo waafaqsan Qorshaha Sannadkan 2022 ee imika curtay oo la rabo in la gaadho inta badan Laamaha Dawladda Dhexe iyo Hoosaba.


 

 

 

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir waxa ka go’an in la helo Qaran ka nadiif ah nooc walba oo musuq iyo wax isdaba-marin ah.”

 


Loading...
Loading...