Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Ee UCID Iyo WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Midowga Yurub Iyo UK

0
Thursday February 17, 2022 - 05:41:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Ee UCID Iyo WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Midowga Yurub Iyo UK

    Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Ee UCID Iyo WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Midowga Yurub Iyo UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Ee UCID Iyo WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Midowga Yurub Iyo UK


Hargeisa(HWN):-Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, oo ay hor kacayeen, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa galabta magaalada Hargaysa kulan kula yeeshay, wefti ballaadhan oo ka socday midawga Yurub iyo UK, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK.



Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.


Waxaana kulankaasi Gudoomiyaha Xisbiga UCID, ku wehelinayay, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Xildhibaan Cumar Jaamac, Gudoomiye ku xigeennada Xisbiga ee Canab Cabdi Xirsi iyo Cali Xaamud Jibriil, Gudoomiyaha Gudddida arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur(Shiine) iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Ibraahim Cabdi Xuseen

Loading...
Loading...