Siddee Ayaa Sicir-Bararka Looga Hortagi Karaa?

0
Wednesday February 16, 2022 - 19:08:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siddee Ayaa Sicir-Bararka Looga Hortagi Karaa?

    Waxaa qoray:- Zakaria Ahmed oo ah bare jaamacadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa qoray:- Zakaria Ahmed oo ah bare jaamacadeed.

Marka laga hadlayo kor-u-kaca maceeshadda (Inflation), ma aha wax sahlan oo maalmo wax lagaga qaban karo, balse waxay u baahan tahay siyaasaddo wax lagaga qabto Sicir-bararka oo muddo dheer iyo muddo gaaban ba leh (Long and Short Term Inflation Policies). Haddaba; innaga waddankeennu siddee ayuu Sicir-bararka wax uga qaban karaa?



1. Maadaama uu Shidaalku yahay ka ugu awooda badan ee keenna Sicir-bararka (Core of Inflation), waa in dawladu ay yeelato keyd Shidaal oo ay ganacsatada kaga iibiso qiimo jaban muddada uu Shidaalku dunida kor-uga-kaco. Tani waxay kamid tahay Siyaaadda ay dawladu kabka uu siiso Shirkadaha ( Subsidy) - waliba Shirkadaha soo saara waxyaabaha quudar daruuriga ah (Basic Needs).


2. Xilliga uu dhaco Sicir-bararka dunida oo dhan saameeya (Global Inflation), waa in dawladu ay hoos u dhigto Canshuurta ay saarto waxyaabaha Aasaasiga ah amma ay gabi ahaanba meesha ka saarto inta xaaladda Sicir-bararka laga baxayo.


3. Dawladu siddoo kale, waa inay leedahay keyd Raashin oo ay Shacabka kaga iibiso qiimo jaban, xilliga ay qaali noqdaan ashyaadda Aasaasiga ahi. Dawladu waa inay qayb kamid ah Shidaalka iyo Raashinka ay la soo degto, oo ay iibiso xilliyada adag amma ay ganacsatadu qaaliyeeyaan Alaabtooda.


FG: MA dhiigirigalinayno in ganacsiga xorta ahi meesha laga saaro.

Dawladnimadu waa sidda Hooyo oo kale, hooyana ma jecla in ubbadkeedu dayacmaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...