Hogaan iyo Horumar Q 2aad Waa maxay Horumar (Mohamed Aden Hassan)

0
Sunday May 26, 2019 - 16:35:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaan iyo Horumar Q 2aad Waa maxay Horumar (Mohamed Aden Hassan)

    Waa ay adagtahay in qeexid mid ah loo helo horumarka oo qoloba dhinac gaar ah ayay diiradda saartaa kolka ay qeexayso horumarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa ay adagtahay in qeexid mid ah loo helo horumarka oo qoloba dhinac gaar ah ayay diiradda saartaa kolka ay qeexayso horumarka.

Balse innaga oo soo koobayna, horumarka waxa aynu ku qeexi karnaa "Horumarku waa dadaal looga gonleeyahay hagaajinta tayada nolosha (quality of life) ee muwaadiniinta dal gaar ah iyo kor u qaadidda beegaalka nolosha (Standard of living) ee dadkaas”.Si kale u dhig, "Horumarku waa dedejinta koboca dhaqaale ee dalka, tirtiridda saboolnimada iyo yaraynta farqiga dakhli ee dadka u dhexeeya”. Mar kalena horumarka waxa lagu qeexi karaa "Isbeddel balaadhan oo lagu sameeyo xaaladda dhaqaale, bulsho, siyaasadeed iyo deegaan ee waddan waddamada kamid ah”.



Waa is bedel ku yimaada nolasha bini aadamka kaasi oo mara heerar kala duwan oo ka biloowda halka ugu hoosaysa ay bulshadaasi joogtaa ilaa ay ka gaaran meesha ugu saraysa ay hiigsanynayaan si ay u tiigalaan nolol heer sare ahna u gaadhan.

Horumarku waxa u noqon karaa mid uu qof amaba shakhsi gaadhey ama mid uu dal ama shirkad gaadhay farqi wayna waa u dhaxeeya oo isku mid maaha horumarka shakhsiga ah iyo kan dal gaadho waxay yidhaahdan culumadu horumarku in u qof horumar gaadho iyo in u dal horumar gaadho waxaa fudud dhinac marka laga eego in u dal horumar gaadho iyago u cuskanaya shaqda kalinimada ah e qof halgamaya maraayo iyo isabdalka adag e kalinimada ah e u maraayo SHakhsigaas is xilqaamay.

Marka aynu eegno dalkeena ilaahay mahadii gabi ahaanba way taaganyihin o way seesanyihiin dhaman kabayaasha nolosha sida caafimaadka, waxbarashada, deegan wanaagsan oo nadiif ah,dawlad dhisan iyo waliba dad dhisan sharci iyo kala danbayn wanaagsan nabad jirta oo hirgashay koboc dhaqaqaale o la sameyey maamul wanaagsan oo jira hadaba waxa inaga dhiman waa in aynu gaadhsino heer sare oo horumar baaxad wayn sameeno isla markaana guriga kicino shacab iyo dawladba.

Ugu danbayn shacab iyo dawladba waa in aynu dadajinaa nidaamkaas horumarka oo wada shaqayn toos ah wa in ay ka dhaxaysaa dawlada iyo shacabka sabab to ah dawladu kalikeed waxba dhesi kari mayso hadii anay helin taagerida shacabkeeda iyo hiilka tooska ah e ay ka halayso shacabkeeda walalyaal madax iyo mijaba waa wakhitigii Horumarka ee aynu dhaafi lahayn dalalka manta horumarka ku faana.

ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH

BY: Mohammed Adam Hassan

Engineer Politician Researcher And writer

Hogaan IYO Horumar.

Q 2AAD WAA MAXAY HORUMAR

DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.

E-MAIL[email protected]

Tell: 0634394700.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...