Waxaan guursaday reer Baadiye " Marguerite van Geldermalsen"

0
Wednesday February 16, 2022 - 10:21:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 3826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan guursaday reer Baadiye " Marguerite van Geldermalsen"

    Wuxuu ahaa wiil iska sabool ah oo ku nool godad ku hareeraysan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu ahaa wiil iska sabool ah oo ku nool godad ku hareeraysan


Sanadkii 1978 dalka Urdun waxaa dalxiis ku timid gabadh dalxiise ahayd oo lagu magacaabo maargaret faangeldermalsen oo asal ahaan kasoo jeedda dalka New Zealand, iyadoo ay la socoto saaxiibteed Elizabeth oo u dhalatay Ustareeliya, waxay booqdeen magaalada dalxiiska ee " Al-batraa" waxaa safarkooda ku wehlinayay wiil dhallinaro ah oo reer miyi ah, kaas oo qaabilsanaa hagidda dalxiisayaasha (Dhul-yaqaan), waana Muxammad Cabdallah.


Wuxuu ahaa wiil iska sabool ah oo ku nool godad ku hareeraysan buuro, laakiin Maargaret ayaa si weyn u la dhacday geesinimada iyo hawlkarnimada Maxamed.

Waxay arrinkii ku wargelisay saaxiibteeda oo ku tilmaantay sheeko waalli ah, waxay ku tiri: Adigu waxaad ka heshay akhlaaqda, iyo dhaqanka qofka, laakiin Maargaret waxay qiratay in ay si dhab ah u caashaqday yarkii oo isaga laftiisa qarsanayay inuu ka helay Maargaret.

Qoyska ay ka dhalatay Maargaret ayaa ka horyimid in ay gabadhooda u guuriyaan nin carbeed, Muslim ah, haddana sabool ah, balse iyadu way ka dhega-adaygtay oo waxay la aqalgashay Maxamed.
Waxay muddo toddobo sanadood ah degganaayeen godadka buuraha ku wareegsan, koronto la'aan, iyo kulaylka dalkaasi ka jiray ayay la noolaayeen.

Sanadkii 1985 tii waxaa arrinkii ka warhelay xukuumadda Urdun, waxaana loo soo guuriyay tuulada Sayxuun, iyaga iyo seddex caruur ah oo ay dhaleen oo la kala oran jiray( Salwa, Raami, iyo Marwaan).
Sanadkii 2002 dii waxaa geeriyooday Maxamed, waxaana geeridiisa si weyn u saamaysay Maargaret oo murugada ay gaarsiisay inay wadato caruurteeda oo ay ku laabato magaaladii Al-Batraa, meel u dhow godkii ay degganaan jireen, markasta oo ay xusuusato odaygeeda, waxay tagi jirtay godka.

Sanadkii 2003 dii Maargaret waxay qortay sheeko ay u bixisay " Waxaan la aqalgalay nin reer miyi ah"
Waxay kaga sheekaynaysaa qisada jacaylka ee dhexmartay iyada iyo odaygeeda oo ay ku tilmaantay shakhsiyaddiisa inay ahayd mid aad u wanaagsan,

Waxay kaloo xustay in qoyskeeda ay soo booqdeen halmar in ka badan, fikirkii ay ka haysteen maxamedna uu isbedelay markii ay arkeen dhaqankiisa suuban, iyo farxadda gabadhooda ay heshay, waxayna u soo bandhigeen hanti iyo in uu u safro New Zealand, iyo inuu iyaga la noolaado, balse ganafka ayuu ku dhuftay hadalkaasi, wuxuuna ku adkaystay dhulkiisa hooyo, ilaa uu ku dhintay....
Sanadkii 2006 dii waxaa la iibsaday ku dhawaad 105 kun oo nuskhadood oo kamid ah sheekada, waxaa loo turjumay in ka badan 14 luuqadood.


W/Q: Abdurrahman Caqiil

 

 
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...