Muddo Dheer Kaddib Waxa Aan Xalay Ku Booqannay Xafiiskiisa Duqa Magaalada Hargaysa

0
Tuesday February 15, 2022 - 10:39:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muddo Dheer Kaddib Waxa Aan Xalay Ku Booqannay Xafiiskiisa Duqa Magaalada Hargaysa

    W/Q: Xamse Cumar Kujoog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Xamse Cumar Kujoog

Muddo dheer kaddib waxa aan xalay ku booqannay xafiiskiisa Duqa magaalada Hargaysa walaalkay Abdikarim Ahmed Mooge oo aannu ballan lahayn. Waxa aannu ahayn aniga iyo walaalkay Mustafe Barud, waxa aannu ka mid ahayn shacabkii taageeray ee u ololeelayay Cabdikariim, war iyo wacaal wixii naga danbeeyey intii uu meesha ku jiray in aannu soo ogaanno, isla jeerkaasna wixii aannu talo ku biirin karno la wadaagno ayuu ujeedkayagu ahaa.

 

Waxa aannu sugnay muddo kolkii salaadda cishe laga baxay, waxa shir dheer ay wada galeen Mayor ku xigeen Khadar-Nur Ahmed Omer iyo Xoghayaga fulinta dawladda hoose Saeed Nour Jama , waxana ay soo kala dhammaadeen iyaga oo daal aad u badan ka muuqdo. Mayor ku xigeenka iyo Xoghayaha oo soo baxay ayaannu salaannay, waxa ay si isku mid ah noogu yidhaahdeen "Daal ka caban maynno oo annaga ayaa hawshan soo doonnanay” ereygaasina wuu i deeqay.

 

Waxa aannu xafiiska ugu galnay Cabdikariim, soo dhawayntii aan ku aqaannay iyo qalbi wanaaggiisii ayaannu isku bariidinnay, sidii aan filayayna daal aad u badan ayaa ka muuqday, kolkaan salaannay ayuu ereygii mid la mid ah nagu yidhi "Kabihii aan saaka 5:30 xidhay ayaan ku taaganahay, se caban maayo oo ummaddan in aan wax u qabto ayuu ballankeennu ahaa”.

 

Sheeko dheer ayaa na dhex martay, wixii warbixin ahaa wuxuu noo sheegay inuu toddobaadkan dhammaadkiisa bulshada oo dhan la wadaagi doono wixii u qabsoomay dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay iyo waxa u qorshaysan sannadkan aynu bilowgiisa joogno, shaqaalaha dawladda hoosana in la muunayn doono ayuu noogu daray, annaguna hawraarsan ayaannu nidhi si aannu waqtigu u sii dheeraan, wixii talo ahaana waannu gaadhsiinnay.



Anigu hadal badan kuma darsan runtii, se waxa aan eegayay ma yahay Cabdikariim ninkii aad taqaannay?. Ilaahay galladdii waxaan ku farxay in aanu tubtii aannu ugu olalaynnay ka weecan, waxana aan ku adkaynnay haddii uu jidkaas ka baydho cidda u horraysa ee ku qaylinaysa in aannu nahay.

 

Bulshadeenna oo degdeg loogu dowgalay, in wax kastaa habeen iyo maalin ku hagaagaan oon suurto gal ahayn, durba rejada bilowga ah ee xafiisyada iyo waddooyinka ka muuqata iyo wax badan oo kale ayaannu ku nasannay intii aan qolyo dhawr ah oo naga sii danbeeyey aanay usoo gelin.

 

Saddex qodob oo guusha horseeda, Cabdikariinna aan ku aqaannay muddadii aannu asxaabta ahayn ayaa hadalkiisa iiga muuqday mar kale, Daacadnimo, Qorshe iyo Ka go’naan. Ilaahay ha barakeeyo, dhawaanna aan u dheg taagno warka wayn ee uu soo wado.

War caddaaday.

 

W/Q: Xamse Cumar Kujoog

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...