" Wasiir Ciise Kayd Aragtidiisa Waan La Dhacsanahey". Xil. Guruuje

0
Tuesday February 15, 2022 - 10:24:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    " Wasiir Ciise Kayd Aragtidiisa Waan La Dhacsanahey". Xil. Guruuje

    "Hasa ahaatee Dr ciise kayd wuxuu qaatey aragti aan aaminsanahey"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hasa ahaatee Dr ciise kayd wuxuu qaatey aragti aan aaminsanahey"

Aduunyadda waxaynu ka doonaynaa aqoonsi , aqoonsigaasina wuxuu u qaybsamaa mid xaqiiqo iyo mid sharci ( De facto vs De juro ) marka xaqiiqadaadu xoogan tahey ayaana xeerkaagu shaqayn karaa .



30 sanadood ee u danbaysay somaliland waxay ku shaqayn jirtey siyaasad aan u bixiyay xuquuqal iinsaan , taasoo aduunka u iibgayn jirtey Nabad iyo dimuqraadiyad taasoo keentey in loola dhaqmo si qabow oo aan xiise lahayn , sababtoo ah somaliland waxay goosatey in aaney wax doora ka ciyaarin arrimaha gobolka iyo caalamka .


Hasa ahaatee Dr ciise kayd wuxuu qaatey aragti aan aaminsanahey oo ah siyaasadda dhiiranaanta ( aggressive  policy) taasoo halisteedda iyo guusheedaba leh , mar walbana guushu halista ayuunbay agtaalaa , waatii heestu odhan jirtey , ma ogtahey janadda ugub , nin aan jihaad usoo marin , ilayn lama dhex joojee , sidaa awgeed wasiir kayd waa nin aan siyaasadiisa la dhacsanahey .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...