Taliyaha Ciiddammada Socdaalka Somaliland Iyo Danjiraha Djibouti Oo Safar Shaqo Ku Tagay Lawya'caddo

0
Monday February 14, 2022 - 20:15:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciiddammada Socdaalka Somaliland Iyo Danjiraha Djibouti Oo Safar Shaqo Ku Tagay Lawya'caddo

    Taliyaha Ciiddammada Socdaalka Somaliland Iyo Danjiraha Djibouti Oo Safar Shaqo Ku Tagay Lawya'caddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciiddammada Socdaalka Somaliland Iyo Danjiraha Djibouti Oo Safar Shaqo Ku Tagay Lawya'caddo



Hargeisa(HWN):-Wefti uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciiddammada Socdaalka Somaliland oo uu wehelinaayo Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ayaa Safar shaqo ku yimi Magaalo-xuduudeeda Lawyo-caddo.



Weftiga ayaa waxa halkaa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Gobolka Selel Mawliid iyo madax-sare oo ka kala Tirsan laamaha Dawlada ee Gobolka Selel.

Weftiga ay hoggaaminayeen Safiirka iyo taliyaha ciidamada socdaalka Somaliland Janaraal Dayib, ayaa waxay kulamo saacado socday kula yeesheen degmadaasi, ciidamada kala duwan ee jooga xudduudda Somaliland iyo Jabuuti u dhaxaysa, waxanay si weyn uga wada-hadleen fudadaynta isku socodka Badeecadaha u kala gudba labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti, iyo weliba Wada-shaqaynta labada ciidan ee dhinacyada amniga.

Si kastaba ha ahaatee, wada shaqaynta iyo saaxiibtinimada labada dal ayaa sannadba ka dambeeya sare u sii kacaya, kaddib markii ay sii laban-laabeen labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya.

Loading...
Loading...