Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Sababta Golaha Wakiiladu Isku Hoos Geeyay Madaxwaynaha

0
Monday February 14, 2022 - 15:06:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Sababta Golaha Wakiiladu Isku Hoos Geeyay Madaxwaynaha

    "Golihii Wakiiladda waxa ay yidhaahdeen waxa na xukuma madaxwaynaha."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golihii Wakiiladda waxa ay yidhaahdeen waxa na xukuma madaxwaynaha."

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed dafac ayaa sheegay in Wasiirka arimaha gudaha Somaliland uu yidhi anaa xukumada maayaradii shacabku doorteen, sidoo kalana Golihii wakiilada ee iyagana shacabku doorteen ay yidhaahdeen waxa na xukumada Madaxwaynaha.



Garyqaanka oo qoraal uu kaga hadlayo arimahaasi baahiyay ayaa ku yidhi qoraal kiisa sidan:-

 

Maayaradii la doortay, Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa yidhi aniga ayaa idin xukuma. Wax diida la waa. Golihii Wakiiladda waxa ay yidhaahdeen waxa na xukuma madaxwaynaha. Golahan iyagu is dhiibay cid qasabtay – ogaalkeen – ma jirto oo tidhi waa ku qasban tihiin in fullintu idin xukunto. Dadkii soo doortay iyo dastuurkii lagu doortay waad madax banaan tihiin oo cidina idin ma xukunto ayay ku yidhaahdeen. 


Hadraawi ayaa sheegay in shacabku sameeyo keligii-taliska. Bal qof cid waliba ku leedahay adaa i xukuma ka waran. Hadhow marka uu cagta mariyo ayay ka cabanayaan!!!!!!!!!!!

Garyaqaan DAFAC

Loading...
Loading...