Chief Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Saxafi Coldoon

0
Monday February 14, 2022 - 12:19:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chief Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Saxafi Coldoon

    "Dariiqyada ay Boolisku marayaana waxaan u haystaa kuwo aad u qaldan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dariiqyada ay Boolisku marayaana waxaan u haystaa kuwo aad u qaldan."

Hargeysa, - (HWN)- Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo ka mid ah Cuqaasha Gobolka Maroodi Jeex ayaa si adag uga hadlay xaaladda Qaddiyadda Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo gaar ahaan Dugsiga Abaarso iyo waliba xaaladda Booliska isaga oo nasiib darro ku tilmaamay dadka Gobolada laga soo qaado ee Hargeysa lagu soo xidho maxkamadana lagaga furo arrintaasi oo uu ku misaalay wixii uu samayn jiray Taliskii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.



Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo la hadlayay Telefishanka SAAB Tv ayaa waxa uu ku dheeraaday Arrinta macallimiinta dugsiga Abaarso ee lagu eedeeyo in ay yihiin wadaado Kiristaan ah isaga oo dhinaca kalena aad u dhaliilay xaaladda uu u xidhan yahay Cabdimaalik Muuse Coldoon, ugu dambayna baaq culus u jeediyey culimada Somaliland oo uu ka codsaday in ay u hiiliyaan xaqa oo ay caddeeyaan.


Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Arrinta coldoon waa arrin laga dharagsan yahay si gaar ahna u taabanaysa dadka muslimka ah iyo shacabka reer Somaliland. Waxa aan mahadnaq u dirayaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa, xukunkii ay soo saartay ee caddaysay in aan Coldoon wax dambiya oo loo hayaa aanay jirin. Dambi la’aana yahay xukunka iyo qaraarkana ku ridday in uu kadinkaa ka baxo. Arrintan Coldoon laba qodob baan ka odhanayaa mid Booliska ayaan ka odhanayaa oo dambiyada ku soo oogta, waxyaabo badan oo diinteena iyo caqiidadeena meel kaga dhacaya in ay aad uga fiirsadaan baa habboon. Dariiqyada ay Boolisku marayaana waxaan u haystaa kuwo aad u qaldan. Coldoon wax kasta ha yidhaahdee Gobolka Togdheer ayuu joogay, halka uu ka hadlay halkaasi ayay ahayd. Togdheer dalka ayuu ka mid yahay. Ciidamadii Bilayska ayaa jooga maxkamadihii ayaa jooga. Shacbigii baa jooga. Ehelkiisii baa jooga in 500 oo kiiloo mitir inta laga soo qaado oo laga soo fogeeyo in Hargeysa la keeno isaga iyo qayrkii toona waxa caado noqotay qofka dan gaar ah laga leeyahay illaa Hargeysa in loo soo qaado. Arrintaasi waa arrin qaldan Gobollada dalka ayay ka mid yihiin. Hargeysa in ay Labaatan Jirow noqoto oo qofkii dan laga leeyahay ama Laascaanood laga soo qaado ama Boorama laga soo qaado ama Burco laga soo qaado oo Hargeysa la keenaa dawladnimadeenna iyo Jiritaankeena ayay Meel-ka dhac ku tahay. Waxaanay tilmaamaysaa in Hargeysa laga dhigtay meel dadka lagu ciqaabo oo gaar loogu Torture (Jidh-dil) gareeyo. Haddii qofka dambi loo sheeganayo meel gurigiisii iyo ehelkiisii u dhaw oo ay kiiskiisa kala socdaan in lagu maxkamadeeyo ayay ahayd illayn dalkay ka mid tahee. Laakiin in illaa Hargeysa lala soo cararaa waxa ay ku tusaysaa sistamka xun in ay tahay waana wixii uu Siyaad Barre isticmaali jiray. Inta qofka Hargeysa ama goobaha kale ee dalka laga qabto ayaa Labaatan Jirow la gayn jiray.


"Coldoon waxa uu ka hadlay Macallimiinta iskuulladeena wax ka dhigta qaar ka mid ah. Sida Iskuulka Abaarso oo kale. Waxa uu ka hadlay in dadkaasi Musheekh Diinta Kiristaanka ah caam ku ah in ay fidiyaan oo wadaado ah in ay yihiin. Taasi muran kama joogo. Waxa aan aad u dhagaystay hadalkii Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil. Ilaahay raalli haka noqdo. Ilaahay miisaanka xasanaadka ha u saaro. Si faahfaahsan oo diin ah ayuu uga hadlay waxa uu tilmaamay in uu dulmi iyo baadil ku xidhan yahay. Waxa uu tilmaamay sababaha loo haysto. Waxa uu ka hadlay waxa uu Coldoon ka hadlay waxa ay tahay iyo waxa ay aaminsan tahay. haweenayda Joy in ay tahay wadaad diinta kiristaanka faafisa tahay ayuu sheegay. Haddii ay culimada Somaliland ka hadli waydana wallaahi Qiyaamaha iyaga ayaa la waydiinayaa. In wadaad kiristaan ahi ubadkeena wax u dhigaa waan ka soo horjeednaa waxaanan ku baaqaynaa in Coldoon la sii daayo” ayuu yidhi Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir. 


Dhawaann ayay ahayd markii wariye Coldoon ay maxkamada Hargeysa wax dambiya ku wayday.

Loading...
Loading...