Waftigii Somaliland ee safarka ku joogay Taiwan oo dib ugu soo laabtay Hargaysa

0
Monday February 14, 2022 - 10:15:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waftigii Somaliland ee safarka ku joogay Taiwan oo dib ugu soo laabtay Hargaysa

    Waftigii Somaliland ee safarka ku joogay Taiwan oo dib ugu soo laabtay Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waftigii Somaliland ee safarka ku joogay Taiwan oo dib ugu soo laabtay Hargaysa


Hargeisa(HWN):-Waftigii Somaliland ee booqashada ku joogay Taiwan, ayaa sheegay in ay kusoo guulaysteen safarka, isla markaana dhamaan codsiyadii ay ula tageen Taiwan, oo uu kamid yahay taageerada Kalluumaysiga laga aqbalay.


Waftiga ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimada Hargaysa, isla markaana wasiirka arrimaha dibada D.R Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ee safarkoodu uu ahaa sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, taana ay kusoo guulaysteen.


"Waxaanu ku tagnay halkaa arrimo door ah oo ay ugu horayso sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo labada dad, aadna waanu ugu soo guulaysananay" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiirka ayaa sheegay in ay Taiwan kala hadleen, sii horumarinta mashaariic hore u socday oo caafimaadku ugu horeeyo, iyo heshiisyo cusub oo ay kamid tahay horumarinta kalluumaysiga iyo xoolaha.

"Safar kaasi waxa uu noo suuragaliyay, in aanu kusoo guulaysano dhamaan mashruucyada aanu halkaa la tagnay, qaar socday sida caafimaadka oo kale, iyo qaar cusub intaba, waxa kamid ah kalluumaysiga iyo xoolaha, caafimaadka, ICT-ga, macdanta iyo shidaalka" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Waftiga ayaa ka kooban wasiirka arrimaha dibada D.R Ciise Maxamuud Kayd, wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub Maxamed, wasiirka maalliyada D.R Sacad Cali Shire iyo wasiirka qorshaynta Cumar Cali Cabdillaahi.

Loading...
Loading...