Booliska oo faah faahiyay sababtii Cabdiweli Muudeey loogu diiday in uu aado Baraawe.

0
Monday February 14, 2022 - 09:52:32 in News by
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo faah faahiyay sababtii Cabdiweli Muudeey loogu diiday in uu aado Baraawe.

    Waxa uu sheegay in Amniga degmada Baraawe uu yahay mid sugan oo Ciidankii ugu badnaa ee sugaya amniga lageeyay haatana aysan u baahneyn in Ciidan farabadan lala tago.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay in Amniga degmada Baraawe uu yahay mid sugan oo Ciidankii ugu badnaa ee sugaya amniga lageeyay haatana aysan u baahneyn in Ciidan farabadan lala tago.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah faahin guud ka bixiyay sababtii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey loogu diiday in uu tago degmada Baraawe, isaga oo markale u sharraxan kursiga Xildhibaan ee uu ku fadhiyo.


 

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in Cabdiweli Muudeey aan asiga loo diidin in uu aado degmada Baraawe, balse laga hor istaagay Ciidan farabadan iyo hub culus uu u watay Magaalada Baraawe oo ah halka ay doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ka socoto.



 

 

Waxa uu sheegay in Amniga degmada Baraawe uu yahay mid sugan oo Ciidankii ugu badnaa ee sugaya amniga lageeyay haatana aysan u baahneyn in Ciidan farabadan lala tago.


 

Waxa uu Afhayeenka hadalkiisabuu intaasi ku daray in Cabduweli Muudeey loo ogolaaday in uu wato ilaaladiisa gaar ah oo gaaraya ilaa 5 askari maadaama Baraawe amnigeeda si wayn ay u sugayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


 

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan wuxuu sheefay in musharixiinta aadeysa doorashada kuraasta golaha shacabka loo ogolyahay ilaaladiisa gaarka ah oo gaaraya 4 ilaa 5 laakin waxii ka badan aysan aqbali doonin in uu wato saanad malatarina qaataan.


 

Warkaan kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa kusoo beegmay xilli shalay Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey loo diiday in uu tago degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka.

Loading...
Loading...