Warqadii Bulaxaar .. W/Q: Muhyadiin Galbeedi

0
Sunday May 26, 2019 - 15:18:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqadii Bulaxaar .. W/Q: Muhyadiin Galbeedi

    Waxa aan afar ku ahaa koox safar shaqo ku timi magaalo Xeebeedka Bulaxaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan afar ku ahaa koox safar shaqo ku timi magaalo Xeebeedka Bulaxaar
kana socota mid ka mid ah hay’adaha gaargaarka dadka tabaalasyan ee ku sugan Somaliland. Ka dib markii aan gudanay waajibaadkii shaqo waxa aan usoodhaqaaqay xaga xeeliga Badda aniga oo degdegsanaya in aan dhaayaha saaro Badda quruxdeeda iyo dhaxalka wali kasii taagan burburkii Magaaladii Bulaxaar ee taarikhda muga wayn lahayd.xeeligu waxa iguweheliya laash midabkiisuu cadaan yahay oo ku shakaalan bada geerkeeda meel aan kaba dheerayn halka aan taaganahay.Sawir-qaadii inta aan la soo soo baxay isla beegsaday hirka, ciida, laashka iyo daruuraha cirka oo bixinaya oo muujinaya qurux aan laga gayoobayn. Lama filaanba waa kan danbeeyee sagxadii laashka waxa ay dabayshii kasoo dhufataybaco afka ka guntan iyo waraaqo qashin aan u haysto. Judhiiba waxa bacdii soo dhuftay hir joogiisu sareeyo oo waaba taa u soo sabaysay halkii aan ku sugnaa.. show waa hadiyad sida dhambaal ay Bada Bulaxar Hargaysa u soo dirayso oo ay ahaayeen mataano is-xidhiidhiya balse mudo kala xidhiidh-furtay. Fariine waa qaane, aan idin kala baxo qoraalkii warqadii Bulaxaar ee Laashku siday. Waxay tidhi :



" Hargaysaay may maqlaysaa? Waa Bulaxaar basteeda oo intay bari hore burburtay oo adiga iyo intii dad kugu dul noolayd aad bukaanimadeedu kaba soo war dooni waydeen. Intay barisamaad xasuusatay kuu soo diraysa baaq xalan oo ka turjamaya dareen busayl iyo garnaqsi oo kaaga baahan bogsiimo.


Hargaysaay Bukaanimdaydu ma badhaadhahaagay ahayd? Berya qaar sida laba naf qabysi leh ayeynu isku lamaanayn. Aaan kuu baano sheegtee, barigii aan ahaa Barkulanka iyo balad nololeed oo ciideeda ay ku gam’aan, kuna nastaan dadku waan ku daadihin jiray ee maxaa helay markaagii.


Baryo qaar sidawali siraataad warka iiga guri jirtay oo waxan kuu ahaa war iyo wacaal halkaad ka heshee adna wali irbad dun umaad soo galin xeebtii ku habtay. Beryahaaasi,xaasha kashaydu way ku xalayd oo xaaladkasta oo aad ku jirto gurmad baan kuu ahaa. Kaligaa Hargaysaay kumaan irmaanayn waxase aan si dadban dan-wadaagula ahaa degmo inta hawd ku teedsan ee subaga xoolahoodu aad dilaalka ka ahayd. Ana badalkooda badda ka keeni jiray.


Bulaxaartaan ahaa dhismahaagii waan u dhabar adaygay. Marka dadka reer Hargaysa isoo booqdaan marti xurmadeed aanan ka xastiyin baan uula diyaar ahaa. Inta ehel iyo gacal is xog-waraystaan ayaa ambabax lagu soo sagootin jiray. Hargaysaay hodan baan kaa dhigay oo dhaqaalihii aniga la iga tabcaa lagugu dhisay. Hargaysaad inta marinkoodu yahay bogcada aad ku taal hadiyad ahaan baan u goodimi jiray aniga oo u qaadaya heesti fanankii Axmed Cali Cigaal " dad Hargaysa soo maray”


Hargaysaay halkeed imika joogtaa… Miyaad I hilmaantay mise anuubaa lahaa kal-laxiiba iyo laabtii xuunshada?. Beryaha qaar hadaan dhisme dhalool badan oo laydhu ku dhacayso lagu naaloon jiray hada ood iyo daasado daanta aad jirto laga keenay ayaa dugsadaa. Kaluunkayga wax kuma fashid. Horumarkayga habeen umaad holan hagaajintiisa. Afka lagama sheegto adoon jacayl arage maxaad ii hafartaa, oo intaad in dhawayd isoo hadal qaado aad hindise beena haatuf iigu dhigtaa? Maxaad hami been ah oo aan hirgalaynin, Hargaysaay iigu hagtaa.. Hargaysaad garashada sogor-dahan waa hadimadaydee hadaad iga dayso ducaa ku asqayn lahayd. Ma hal-iga-daahan baa jira mise waa hilmaan iyo Xilkasnimo la’aan uun kolba intaad dawgii cadaa soo hadal qaado hadana aad rumaynd waydo.?


W/Q: Muhyadiin Galbeedi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...