Madaxweynaha Taiwan Oo Difaacday Xidhiidhka Uu Dalkeedu La Leeyahay Somaliland, Ka Dib Hadalkii Shiinaha

0
Monday February 14, 2022 - 09:14:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Taiwan Oo Difaacday Xidhiidhka Uu Dalkeedu La Leeyahay Somaliland, Ka Dib Hadalkii Shiinaha

    "Dadkayagu waxay muujiyeen inay ka go'an tahay inay riixaan caqabadihii hore"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadkayagu waxay muujiyeen inay ka go'an tahay inay riixaan caqabadihii hore"

Hargeysa (HWN) – Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ing-wen, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Dawladda Shiinaha oo ku saabsanaa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha oo Khamiistii ka hadlay Socdaalka Weftiga Wasiirrada ah ee Somaliland ku tageen Taiwan, ayaa sheegay in Adduunku aqoonsan yahay Shiinaha oo keliya, Taiwana ka mid tahay Dal-weynaha Shiinaha, sidaasi darteed ay Dawlad ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan u arkaan mid lagu wiiqayo Midnimada dhuleed ee Shiinaha.

 

Laakiin, Madaxweynaha Dawladda Taiwan Tsai Ing-wen oo daba socota hadalka Wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, ayaa sheegtay in Taiwan ku dedaalayso inay Caalamka oo dhan ku soo xidho Taiwan isla-markaana la yeelato ilaaqaad xooggan oo dhinacyo badan leh.

 

Tsai Ing-wen oo qoraal kooban ku baahisay Barta ay ku leedahay Twitter-ka, ayaa tidhi "Waa mid ka mid ah yoolashayada ugu waaweyn sannadkan inaanu Dalalka Adduunka oo dhan keeno Taiwan..” ayay sheegtay Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ing-wen, waxayna intaa ku dartay "Dadkayagu waxay muujiyeen inay ka go’an tahay inay riixaan caqabadihii hore, si kor loogu qaado xidhiidhka aan la leenahay beesha caalamka, sidaas darteed waxaan ku dedaali doonaa inaan ballaadhino ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee  Taiwan la leedahay Adduunka..”

 

Dawladda Shiinaha oo aaminsan in Taiwan ka mid tahay dhulkeeda, ayaa mar kasta oo xidhiidh muuqdaa dhexmaro Somaliland iyo Taiwan, waxay Warbaahinta marisaa hadallo u muuqda hadidaad ka dhan ah labada dal, hase-yeeshee hadalka Maanta ee Madaxweynaha Taiwan, ayaa muujinaya heerka uu gaadhsiisan yahay ilaaqaadka Hargeysa iyo Tiapea.


Loading...
Loading...