Shirkado Lagu Eedeeyay Inay Ka Dambeeyaan Qiimo Korodhka Ku Yimid Shidaalka Suuqyada Somaliland

0
Monday February 14, 2022 - 09:06:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkado Lagu Eedeeyay Inay Ka Dambeeyaan Qiimo Korodhka Ku Yimid Shidaalka Suuqyada Somaliland

    "Shidaalka Qaaliyoobay Oo Saamayn Weyn Ku Yeeshay Nolosha Bulshada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shidaalka Qaaliyoobay Oo Saamayn Weyn Ku Yeeshay Nolosha Bulshada"

Hargeysa (HWN) – Qiimaha Shidaalka ayaa aad uga kacay suuqyada Somaliland, taasi oo si toos ah saamayn ugu leh Nolosha guud ahaan Bulshada.

 

Suuqyada Somaliland, 10-ka Litir ee Patroolka ah ayaa waxa dhawaan lagu iibinayey oo uu suuqyada ka marayey 75000 Shilin, balse Maalin keliya ayaa waxa ku kordhay 5000 shilin, taasi oo Qiimaha 10-ka litir ee Patroolka ah ka dhigtay 80.000 Shilin.

 

Qiimaha kordhay ee shidaalka, ayaa horseeday in Booyadaha Biyaha u dhaamiya Xaafadaha Caasimadda Qaarkood ay kordhiyaan qiimaha Foostada biyaha ah, halka Basaska Caasimadda ka dhex shaqeeyaana bilaabeen inay kun shilin ku daraan Qiimaha Baska lagu raaco, inkasta oo markii dambe ay ka noqdeen.

 

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Guddiga ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka oo Shalay ka hadlay Sicir-bararka Shidaalka ayaa sheegay inay arrintan masuul ka yihiin Shirkadaha keena Shidaalka, sida Shirkadda Shisheeye ee Magaceedu yahay Trafigura, taasi oo sannadkii hore Xukuumaddu la gashay heshiis.

 

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxu yidhi "10-ka litir ee shidaalka ahi waa 10 dollar, arrintaasi waa wax la qaadan karo maaha, Kaamaha kaydka shidaalka ee Dawladda iyo kuwa Dahabshiilba shidaal bay la ciir-ciirayaan, labadii Toddobaad ee u dambeeyay 3 Markab baa yimid, mid ay leedahay Shirkadda Redsea, mid ay leedahay Dahabshiil iyo mid ay leedahay Trafigura, haddana shidaalkii waa Qaali, sababta qaaliga ka dhigtayna wax kale maaha ee shidaalkii baa la kaydsaday oo lama iibinayo, si Maalinba inyar suuqa loo soo geliyo oo Ummadda dhaqaalaheeda loogu baadho.”

 

Xildhibaan Maxamed Abiib wuxuu sheegay in la doonayo in Ummadda lagu qaaliyeeyo shidaal aan dunida inteeda kale Qaali ka ahayn "Waxa la doonayaa in Ummadda lagu ciqaabo oo lagu qaaliyeeyo shidaalkii oo yaalla Berbera, Dunida inteeda kalena aan ka qaaliyoobin, mushkiladda oo dhamina waa shirkadda la yidhaahdo Trafigura.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Waxaan soo jeedinayaa in Xeerka Shirkadda Trafigura (Heshiiskii lala galay) la horkeeno Golaha Wakiillada, waxaan u soo jeedinayaa Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada in la dalbo in Golaha la horkeeno heshiiska shirkadda Trafigura, si uu Goluhu uu Ummadda uga hor-qaado Caqabaddaa weyn..”

 


Loading...
Loading...