Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa.

0
Monday February 14, 2022 - 08:52:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa.

    Musharrixiinta Maanta ku tartamaya Afarta kursi ayaa shalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharrixiinta Maanta ku tartamaya Afarta kursi ayaa shalay



Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabanaya doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.


Afarta Kursi ee Maanta lagu dooranayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa laba kamid ah waxaa ku tartamaya rag miisaan culus ku leh degaannada Galmudug iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya & Mucaaradka.



 

Musharrixiinta Maanta ku tartamaya Afarta kursi ayaa shalay la siiyay shahaadada musharraxnimo, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartamaya ay kala yihiin.


1: Kursiga Hop#138 oo uu horay ugu fadhiyay Saciid Nuur Gariish, waxaana ku tartamaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Naciimo Xuseen Cali.


2: Kursiga Hop#007 oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Areimaha Gudaha Cabdullaahi Faarax Wehliye, waxaana ku tartamaya Faarax Cabdi Diini oo ah Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir & Maxamed Cabdi Cali.


3: Kursiga Hop#040 oo uu ku fadhiso Nadiifo Faarax Jaamac ayaa waxaa Maanta ku tartamaya Cabdullaahi Aadan Kulane oo kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Hay’adda NISA iyo Xasan Cabdi Jaamac.


4: Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta ee Hop#053 oo uu ku fadhiyo Faarax Cabdi Xasan, balse kursigaan waxaa loo bedelay qoondo Dumar, waxaana ku tartami doona 7 Haween ah, kuwaas oo kala ah.


1: Raysal Qorane Abshir

2: Xaajiyo Axmed Gaas

3: Ubax Cabdi Cali

4: SamSam Xassan Diiriye

5: Farxiyo Cabdullaahi Shiikhdoon

6: Hani Cabdi Gaas

7: Fahmo Caabi Guureeye



Loading...
Loading...