Somaliland Way u Furan Tahay Cid kasta oo Maalgashanaysa"

0
Monday February 14, 2022 - 08:49:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Way u Furan Tahay Cid kasta oo Maalgashanaysa"

    Wasiir Sacad Cali Shire ayaa ku jawaabay in Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa ku jawaabay in Somaliland



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalliyada Jamhuuriyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa China maal gashan karo, laakin ay xaq u leedahay in ay xidhiidh la samaysato cidda ay rabto.


Muuqbaahiyaha laga leeyahay Taiwan ee TVBSNews, oo waraysi gaar ah la yeeshay Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa waydiiyey waxa ay Somaliland samayn lahayd haddii uu Shiinuhu Somaliland maalgashado, lakiin uu ku xidho in ay xidhiidhka u jarto Taiwan.



Wasiir Sacad Cali Shire ayaa ku jawaabay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa Shiinuhu maalgashan karo, laakiin ay iyadu leedahay go’aanka cida ay rabto in ay xidhiidh la samaysato.


"Somaliland waa meel u furan ganacsiga, oo cid walba ay ku soo dhawaynayaan, oo xataa Shiinuhu ku jiro. Illaa hadda go’aanadayada siyaasaddeed ee na khuseeyaa, waxa weeye ayaad saaxiib la noqonaysaa, waayo waxa aanu nahay qaran madax bannaan.” ayuu yidhi wasiir Shire.

Loading...
Loading...