Madaxweyne Biixi Oo la Kulmay Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Maxaa Laga Wada-hadlay?
Madaxweyne Biixi Oo la Kulmay Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Maxaa Laga Wada-hadlay?

Hargeisa(HWN):-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlay Xildhibaanada Wakiillada ee uu madaxtooyada ku casuumay ayaa keliya ku gaabsaday mahadnaq uu u jeedinayo Xildhibaanada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in casuumaddani soo daahday oo ay ahayd in wakhti hore uu u sameeyo Xildhibaanada.
Dhinaca Golaha Wakiillada Guddoomiye Cabdirisaaq khaliif Axmed oo keliya ayaa u hadlay, waxaannu ka mahad-celiyay Casuumadda uu ku maamuusay Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland.
Munaasabadda waxa kale oo joogay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo madax kale.
Loading...
Loading...


0 





