Sidee Ku Noqon Kartaa Dawlad La Aqoonsan Yahay?

0
Sunday February 13, 2022 - 11:11:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sidee Ku Noqon Kartaa Dawlad La Aqoonsan Yahay?

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa maqaal dulucdiisu ay tahay in aan idiin iftiimiyo ama aan daaha ka qaado wax idinka daahan oo diblumaasiyada dunidu isla aqoonsan tahay.

 

Hadii dal uu doonayo inu ka go’ dal uu hore uga tirsanayaa maxaa la gudboon oo ah inu dhabadeeda maro si uu damaciisa uga guul gaadho.

 

Dalka doonaya inu ka go’ dal uu ka tirsanaa waxa looga baahan yahay waxyaabahan soo socda;

 

1.    In dalkaasi caddeeyo u jeedada uu u rabo inu dal madax-banaan noqdo. (Declare intentions);

 

Talaabada ugu horeysa ee ay tahay in qaranku qaado si uu u noqdo wadan madax-banaan waa in uu caddeeyo waxa uu rabo. Si hadaba taas loo sameeyo, waa in ay qancisaa oo waafaqsan tahay sharciyada caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Montevideo ee Xuquuqda iyo Waajibaadka Dawladaha, ee la ansixiyay 1933-kii.

 

Si hadaba loo waafajiyo shuruucdan qaramada middoobay waddanku doonaya inu dal ka go’o waa inu yeeshaa kuwan hoos ku xusan;

 

1.     Dhul Qeexan: Wadanku waa inu yeeshaa dhul si cad loo qeexay (defined territory)

 

2.     Lahaanshaha dad rasmi ah: (Permenant population), taas oo macnaheedu tahay in laga wada xaajoodo arrimaha khuseeya jinsiyadda iyo degenaanshaha. Hadii dalka doonaya inu go’o aanu lahayn dad rasmi ah oo ka mideysan doonistooda waxa God dheer ku dhacaya ujeedadii loo socday.

 

3.     Dawlad yeelasho:  dalka doonaya inu ka go’o dalkiisii hooyo ee soo dhamaystiray shuruudaha kor ku xusan waa Inuu awood u leeyahay inuu xidhiidh la yeesho dawladaha kale ee madaxbannaan (sovereign states)

 

2.    Aqoonsi Hel;

 

Waddan cusub waa in ay aqoonsadaan dawladaha hadda jira ee beesha caalamka ka tirsan, go'aankaas oo ah mid waddan kastaa uu doono. Hadaba waddanka doonaya inu ka go’o dalkii uu ka tirsanaa waa inu samaysto saaxiibo joogto ah oo uu isku dayo inu aqoonsi ka helo qayb kamid ah 193 dal ee dunida ka jira kuwaas oo ku middoobay qaramada midoobay (United Nations).

 

Waxa jira waddamo maanta qayb kamid ah wadamada ku midoobay qaramada midoobay ay ictiraafeen sida (Taiwan, falastiin, & Kosovo) laakiin

 

Hal tusaale oo ka mid ah dalalka (ay ku jiraan Taiwan, Falastiin iyo Kosovo) dalalka qaarkood waxay u aqoonsan yihiin dawlado sharci ah, halka kuwa kale aanay u aqoonsan.

 

3.    Ku Biir Qaramada Middoobay (United Nations);

 

Sida ku cad xeerarka wadamada qaramada midoobay wadan-kasta wuu kusoo biiri karaa qaramada midoobay, waxaanu qaadayaa talaabooyin kala dambeeya si uu u dhamaystirmo kamid ahaanshiyaha qaramada midoobay.

 

Qaramada Midoobay waxay leedahay 193 dal oo xubno ka ah oo madax bannaan oo buuxiyey shuruudaha UN.

 

Sidu sheegayo Jaatarka 11aad, qodobkiisa 4aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad waxay si dhab ah u cadaynaysaa sidan:

 

1.     Xubinimada Qaramada Midoobay waxay u furan tahay dhammaan dawladaha nabadda jecel, ee aqbala waajibaadka ku jira Axdiga hadda jira, marka la eego xukunka Ururka, awood u leh oo doonaya inay fuliyaan waajibaadyadan.

 

2.     Ogolaanshaha dal kasta oo noocaas ah inuu xubin ka noqdo Qaramada Midoobay waxaa saameyn ku yeelan doona go'aanka Golaha loo dhan yahay marka uu soo jeediyo Golaha Ammaanka.

 

Hadaba si aad ugu biirto UN waa in aad warqad codsi ah u dirtaa, oo aad raacisaa caddeyn axdiga qaramada midoobay ah kuna hagaajisaa xoghayaha guud ee qaramada midoobay (UN Secretary General). Codsigan marka uu gaadho xoghayaha qaramada midoobay waxa loo sii gudbinayaa Golaha Ammaanka, halkaas oo ay tahay in ay ansixiyaan ugu yaraan sagaal ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha.

 

Haddii mid ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah ee golaha qaramada midoobay sida - Shiinaha, Faransiiska, Federaalka Ruushka, UK ama US – uu diido inu u codeeyo codsigan waa la joojinayaa lama aqoonsan doono dalkaa.

 

Goluhu wuxuu ka kooban yahay 193 dowladood oo xubnaha ka ah, waxaana loo baahan yahay saddex-meelood labo meel si dalka cusub uu si guul leh ugu galo Qaramada Midoobay.

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...