Cabaadka Shiinaha iyo Hadal-haynta Warbaahinta Caalamiga ah ee Weftiga Soomaalilaan ee Taywaan.

0
Sunday February 13, 2022 - 11:08:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabaadka Shiinaha iyo Hadal-haynta Warbaahinta Caalamiga ah ee Weftiga Soomaalilaan ee Taywaan.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi iyo afhayeenka wasaaradaasi Zhao, ayaa tiraba laba jeer ka hadlay siday uga xun yihiin weftiga Soomaalilaan ee tegay Taywaan. Labadan masuul way yar tahay inay ka hadlaan arrimaha ka dhacaya Afrika inta badan. Qaaciido ay adeegsadaan dublamaasiyiintu ayaa tidhaa” Inta suurtagal ah saaxiibo badan yeelo, laakiin cidna ha aaminin”. Mowduuca haddii aynu u soo noqono, warbaahinta caalamka kuwaa ugu afka dheer ayaa siyaabo kala duwan warbixino kala duwan uga qoray weftigii Soomaalilaan ee Taywaan tegay. Dhawr war qoraal ah oo ay bogagooda ku soo qoreen wakaalado warar oo ah kuwa ugu sumcada badan adduunku iyo wargayso ayeynu soo qaadan doonaa:



= Wakaalada wararka ee reer Ingiriis ee Reuters oo kaalinta koowaad ama labaad kaga jirta wakaaladaha adduunka ugu saameynta badan ayaa qoraal ay ku soo qortay bogeeda hore ku soo qaadatay waraysi uu wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaalilaan Dr. Kayd Ciise ku sheegtay inay Soomaalilaan tidhi " waxaanu ku dhalanay xor” iyo in dawladda Shiinuhu aanay waxba noo yeedhin Karin”. Wakaaladu waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in Soomaalilaan ay tahay meesha ugu nabadda badan oo ay ka dhaceen doorashooyin Dimuquraadi ahi. Halka Soomaaliya ay muddo 30 sanno ahi ay ka socdaa dagaallo sokeeye. Sidoo kale waxa ay warbixinteeda ku sheegtay wakaaladu in xidhiidhka Soomaalilaan iyo Taywaan ee bilaabmay sannadkii 2020 uu cadho ku kiciyey Bijiin iyo Muqdisho.


= Warbaahinta France24 ayaa iyana sheegtay in Taywaan ay Shiinaha kula tartamayso saameynta uu ku yeelanayo adduunka.  Waxa ay tusaale u soo qaadatay xidhiidhka dhexmaray Soomaalilaan iyo Taywaan iyo weftiga Soomaalilaan ee Taywaan jooga. Waxa ay warbaahintu hoosta ka xariiqday siday Soomaalilaan iyo Taywaan aanu adduunku u aqoonsan iyo siday Shiinaha iyo Soomaaliya ugaga horreeyaan dhinaca doorashooyinka xorta ah.


= Warbaahinta South China Morning Post ayaa cinwaan uga dhigtay qoraalkeeda ay Soomaalilaan kaga hadlayso hadal taariikhda galay oo uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaalilaan oo ahaa " Annaga oo xor ah ayaanu dhalanay, si xor ah waanu u noolaanaynaa, Shiinuhuna waxba nooma yeedhin karo”. Waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in Soomaalilaan ay tidhi ” Sidaanu doonayno ayaanu shaqadayada u wadanaynaa”. Hadalkan ayey toos uga soo qaateen waraysi uu bixiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaalilaan. Warbixinta waxa ay ku sheegeen in Soomaalilaan ay jaar yihiin Jabuuti oo uu Shiinuhu ku leeyahay saldhiga Miltari ee dalkiisa ka baxsan.


= Warbaahinta ABC NEWS ayaa iyana sheegtay inay Soomaalilaan iyo Taywaan iska kaashanayaan dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo aan adduunku aqoonsan. Wuxuu soo qaatay kulankii dhexmaray weftiga Soomaalilaan iyo haweenayda madaxweynaha ka ah Taywaan. Waxa ay soo qaateen sida labada dal ee Soomaalilaan iyo Taywaan ay u sheegteen labada dawladood ee Shiinaha iyo Soomaaliya, iyana ay ugu doodaan inay dalal madax bannaan yihiin. Taywaan ayaa 14 dal xidhiidh dulamaasiyadeed la leh ayuu qoraalku sheegay.


= Warbaahinta CNA ayaa bogooda hore ku soo qaadatay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaalilaan " Shiinuhu nooma yeedhin karo xidhiidhka aanu Taywaan la leedahay”. Wuxuu bogga hore ku soo qaatay sawir muujinaaya wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaalilaan oo la fadhiga madaxweynaha Taywaan. Waxa kale oo ay warbaahinta CNA soo qaadatay wasiirka Maaliyadda Soomaalilaan oo sheegay suurtagalnimada inay Taywaan iska kaashanayaan dhinaca sahaminta Shidaalka qaydhiin ee Soomaalilaan ku jira.


= Warbaahinta Taywaan ee Taipei Times ayaa bogeeda hore soo dhigtay sawir muujinaaya wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaalilaan oo wasiirka arrimaha dibadda ee Taywaan Joseph Wu guddoonsiiya sawir muujinaaya khariirada Soomaalilaan.  Warbaahintu waxa ay si faahfaahsan uga hadashay xidhiidhka mudada soo socday ee u dhexeeyey Taywaan iyo Soomaalilaan iyo inay iska kaashanayaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, ganacsiga, waxbarashadda iyo siyaasadda.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan,

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...