Gaboose Waa Isbedelka 2022. Qore Mukhtar Cilmi

0
Sunday February 13, 2022 - 11:05:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gaboose Waa Isbedelka 2022. Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

Sida aan ka wada ognahay micnaha kalmadda hogaamin waxaa weeye kartida ama awooda uu u leeyahay shakhsi saamaynta , dhiirigalinta , awoodsiinta shacabka si ay uga qayb qaataan guusha iyo hormarka ay hiigsanayso umaddaasi , hogaamiyuhuna waa qof leh awooda hogaamiyenimo saameeyana habdhaqanka umadiisa uu hogaaminayo una jiheeya hadafka la wadaago , nadaxweyne walba maahan hogaamiye wanaagsan , balse hogaamiye kasta oo wanaagsan wuxuu noqon karaa madaxweyne wanaagsan .

 

Astaamaha ama sifooyinka hogaamiyaha dhabta ah waxa ka mid ah:

 

1. Hogaamiyaha dhabta ah waa mid dareensan muhimadda xilka uu hayo umadda .

 

2. Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu diirada saaraa dadka baahidooda.

 

3. Awooda hogaamiyaha waxay ka timaadda haybadiisa iyo saamaynta uu ku yeeshay bulshaddiisa ee kama timaado magac iyo maamul uu qabtay.

 

4. Hogaamiyuhu waa ka awooda inuu xaaladd kasta oo adag ku waajaho geesinimo iyo caqli .

 

Dr maxamed cabdi gaboose waa hogaamiye dhab ah , oo yeeshay badankood sifooyinkaas hogaanimo, wuxuu leeyahay fikir iyo hadaf dheer oo fog , iyo han sare oo weyn , wuxuu qaatay khataro badan wuxuuna si geesinimo leh go’aano saxan kaga soo gudbay xaaladdo badan oo adag , waa hogaamiye dadkiisa jecel oo hantay quluubtoodda , waa hogaamiye caadil ah oo aan dadkiisa kala saarin , mana ahaa nin aduun iyo lacag aruursi jecel , awoodiisa waxay ka imaanaysay haybada uu ku yeeshay umaddisa iyo ixtiraamka uu ka helo .

 

Dr.gaboose waa siyaasi ka foq inay ku tilmaamaan siyaasi yar siyaasi aan shaqadiisa garanayen amba khiyaano qaran lagu tilmaamo, gaboose maalin walba wa siyaasiga kaliya ee kasbada umadd taageerta oo jecel wuxu dalka u soo wado,hadaba shacabka somaliland oo mudo badan sugayey isbadel , niyad jabba kaga dhacay xukuumaddan 5tii sanadood xukumaysay ,isbedelkii ay muddo dheer higsanaysay waa isbedelka u soo wado maxamed cabdi gaboose , waxna bararojinaya shacabweynaha higaamyihiina dhabta ah taageeradiisa muujiya waano so dhawaaday wakhtiga isbedelku dhici laha inshalaah.

 

Qore Mukhtar Cilmi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...