Madaxweynaha Puntland oo deg deg kusoo laabanaya si doorashada loo bilaabo
Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu dib ugu soo laabto Garoowe Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kadib safar todobaadyadii la soo dhaafay uu ugu maqnaa dalka Kenya.
Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Nairobi ka waday kulamo hoosaadyo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kuwo ku saabsan Arrimaha Maamulka Puntland.
Markii uu dib ugu soo laabto Magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la filayaa in dib loo bilaabo doorashada Golaha Shacabka ee hakadka kujirta tan iyo markii dalka Kenya uu aaday Madaxweynaha Puntland.
Wararka la helayo ayaa sheefaya in Puntland ay haatan diyaarineyso sidii loo bilaabi lahaa degaan doorashada labaad ee Magaalada Boosaaso , sidoo kalena la dhameystirayoixda kursi ee ka hartay kuraasta taalla Magaalada Garoowe.