Shirkadda OOMAAR Oo Caawino Gaadhsiisay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee DDS Ethiopia

0
Saturday February 12, 2022 - 15:52:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda OOMAAR Oo Caawino Gaadhsiisay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee DDS Ethiopia

    Shirkadda OOMAAR Oo Caawino Gaadhsiisay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee DDS Ethiopia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda OOMAAR Oo Caawino Gaadhsiisay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee DDS Ethiopia


Awaare(HWN):-Shirkadda OOMAAR ayaa raashin caawimo ah oo kala duwan gaadhsiisay dadka abaaruhu saameeyeen ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.


Caawimadaasi oo ahayd Bariis, iyo noocyo kale ayaa la gaadhsiiyay dadka deegaanka Awaarre.

Waxgaradka iyo qaybaha bulshada deegaanka Awaare, ayaana si weyn uga mahad celiyay caawimadan uu Xaaji Jaamac Oomaar gaadhsiiyay.


Isagoona noqonaya ganacsadihii ugu horeeyay oo caawimo gaadhsiiya dadka abaaruhu saameeyeen ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

MAHAD-NAQ !!

Xaaji Jaamac Xusseen Oomaar oo leh Shirkada OOMAAR COMPANY, waa ganacsade Soomaaliyeed oo reer Somaliland iyo reer Jabuuti ba ah.


Xaaji Oomaar wuxu maqlay abaarta deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacday ee dad iyo duuniyaba saamaysay, wuxuu na isagoo dadkaas dareenka dhibaatadaas la wadaagaya raashin gurmad-deeq ah u soo diray bulshada degmada Awaare ee abaartan "Gudhan” asiibtay.

Raashinkana wuxu ka koobanyahay:

1. 1000 kiish oo Bariis ah,
2. 3,000 kartoon oo baasto ah, kuna qiimeysan 3,200,000 eth birr.
Raashinkan isla maantaba waxa lagu bilaabay in baahanayaasha loo qaybiyo.

Magaca bulshada reer Awaare waxaan halkan mahadnaq aan xuduud lahayn uga soo jeedinaya Xaaji Oomaar, oo noqday ganacsadi ugu horeeyay ee kaalmo gurmad raashin ah bulshadiisa soo gaadhsiiyey.

Sidoo kalena waxaan u mahadnaqaya ganacsadaha reer Awaare/Somaliland ee Kaalin Saajin, oo hirgelinta kaalmadan kaalin mug ah ku lahaa.

Loading...
Loading...