Dawlada Soomaaliya Oo Markale Shaacisay Wakhtiga La Qaadayo Imtixaanaadka Dugsiyada Sare
Muqdisho(HWN):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Feysal Cumar Guuled ayaa kulan wacyigilin ah u sameyay qaar kamid ah ardeyda fasallada 4-aad ee dugsiyada sare ee magaalada muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay lataliyaal sare oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wasiir ku
xigeenka wasaaradda waxbarashada uu u dhageysan lahaa Su,aalo weydiinta ardeyda
ee ku aadan imtixaanka sanad dugsiyeedka kaas oo dhici doona 27bishan oo ah
maalinta bari oo isniin ah.
Lataliye sare oo ah wasaaradda waxbarshada
Cabdullaahi Cumar ayaa ardayda kala hadlay imtixaanka iyo ardaga ku guuleesta
qiimaha uu leeyahay iyo wax yaabaha ka reeban ardaga imtixaanka galaya sida
qisha moobilada oo fasalka lala galo hadalka badan iyo ardaydu in ay ka soo dib
maraan xiligii loogu tala galay in imtixaanku biloowdo.
Qaar ka mid ah Ardeyda fasallada 4-aad ee
dugsiyada sare ee Magaalada muqdisho oo ay ku jiraan arday araga, la ayaa
wasiir ku xigeenka weydiiyay Su,aalo ku aadan imtixaanka iyo halka uu ka
dhacayo iyo gaadiidkii ay ardaydu ku tagi lahaayeen goobaha uu imtixaanku ka dhacaayo.
Mudane Feysal Cumar Guuled ayaa ardeyda ka qeyb
galay kulanka u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay dhamaan
goobihii lagu gali lahaa imtixaanaadka sanad dugsiyeedka islamarkana aysan
dhici doonin in arday wadada laga xiro.
Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada , Feysal Cumar Guuleed ayaa ardayda kula dar daarmay in maalinta bari ah 27bishan oo ku began isniinta in arday walbo u diyaara garoobo imtixaanka islamarkaan uu xaadir ku ahaado goobaha loogu talagay in uu imtixaanka ka dhaco.