Warqadii Talo Qaran Iyo Taban-taabo Doorasho

0
Saturday February 12, 2022 - 10:54:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warqadii Talo Qaran Iyo Taban-taabo Doorasho

    By: Mahamed Abdi Jama (Mahamed Dhimbiil)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By: Mahamed Abdi Jama (Mahamed Dhimbiil)

Lix Qodob Oo Aany Furashada Ururada Siyaasadu Meesha uga bixi Karin xiligni

 

Dad baa is leh tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka meesha waa laga saari karaa una arka in doonista madaxweynaha ay yihiin ama la rabo in cid lagu duro laakiin waxaanay ogeyn;

 

1- In furashada ururada siyaasadu tahay xuquuq dastuuri ah oo uu waajibiyey dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23naad faqradiisa 3aad , oo uu ka dheegmay xeerka tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada ee xeer lr-14/2011.

 

2- Waxa ay ka mid yihiin xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland leeyihiin in loo ilaaliyaana waa waajibaad dastuuri ah oo saaran madaxweynaha, maxkamada dastuuriga ah , golaleyaasha xeer dejinta iyo hay'ad walba oo qaran oo ku shaqo leh.

 

3- Waxa tafsiir sharci ku ogolaatay maxkamada dastuuriga ah ee dalka oo ah hay'ada ugu sareysa in tafsiir sharci ka sameyso waxii mad-madaw ( ambiguity) galo , waxaana ay waliba mudnaanta siisay arjigii muwaadiniinta iyaga oo yaqiinsan xuquuqda iyo mudnaanta ay leeyihiin , iyo qaybta loo yaqaan ( Bill of rights ) ee dastuurka dalka ku taalaa mudnaanta iyo muhiimada ay leedahay, qaraarka ay soo saartay in la raacaanaa waa sharci.

 

4- Waxa ay ka mid tahay waxyaabaha mudnaanta iyo wanaaga aynu kaga mutaysanayno aduunka ee la inoogu soo joogsanayoba waayo dawladaha Inaga caawiya doorashooyinku waa dawlado sharcigooda ku adag ilaaliyana xoriyada iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniintooda , qabashada doorashadaasi waxa ay qaranka u keeni doontaa sumcad weyn .

 

5- madaxweynaha talada haya waxa baal-dahab ah ugu qormi doonta taariikh,  sidoo loogu amaanay ku dhiirashadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee wakiilada iyo deegaanka si ka qiimo sareysa ayaa loo xusi doonaa , sababta oo ah isaga iyo labada murashax ee kale ee la tartami lahaa in ay kooto daneed xidhaan waxa uu ka door bidey in uu ilaaliyo xuquuqaha dastuuriga ah ee leeyihiin 5milyan ee qof ee reer Somaliland oo ah waajibaad saaran , waxa aan ku kalsoonahay in uu xataa hadii la yidhaahdo lacag looma hayo uu ku dhiiran doono in lacagta iyo dakhliga dalka ku qabto si kasta oo ay u adag tahayba mudnaanta ay leedahay iyo baahi la inagu maamulo oo aynu cid kale ula tagno isaga oo ka ordaya.

 

6- Dadka reer Somaliland oo fursadani sugayey toban sanadood Isla markaana u arka fursad dahabi oo ay sugayeen oo ilaashanaya kuna qamaamsan in ay ururo siyaasadeed isku habeeyaan wallow uu tartanka ururadu sidii hore ka adag yahay haddana waa loo talo iyo tamarba badsanayaa si loo helo axsaab siyaasadeed oo aad uga duwan kuwa maantu sidii ay u iman lahaayeen .

 

 

Soo Jeedin Muwaadiniinta isku abaabulaya ururada siyaasada markii sadexaad ee taariikhda Somaliland

 

Waxa aynu sugaynay mudo dheer fursadani , waxaana ay ka mid tahay jaanisyadii siyaasiga ahaa ee jamhuuriyada Somaliland 31 sanadood oo ay jirtay ugu qiimaha badnaa , waxaa jira axsaab siyaasadeed oo aan u arkeyn dantooda oo bulshada caalamka iyo dadkaba u sheegaya in ururada siyaasadu xiligani yihiin dano siyaasadeed oo cid lagu durayo.

 

Haddaba si taasi meesha uga baxdo gudiga diwaangalinta ururada siyaasadeed iyo axsaabta qarankana hore loo ansixiyo si aan wakhti u lumin waa in ururada intii diyaar garowday ay shaaciyaan oo umada tusaan diyaar garowgooga , si axsaabtuna tartanka ururada niyada ugu sii dayso oo ay u diyaar garoobaan.

 

Gudiga Diwaangelinta ururada siyaasadeed io axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka.

 

Labadani hayadood waxa ay leeyihiin farsamada doorashadu u dhacayso,  habka loo kala reebayo iyo shuruudaha la marinayo iyo shahaado siinta inta noqota ururo kumeelgaadh ah oo shuruudaha buuxisa waxa leh gudiga diwaangalinta ururada siyaasadeed iyo axsaabta qaranka,  waana in ay hawlaha sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan.

 

Komishanka doorashooyinka qaranka waxa uu leeyahay oo laga rabaa in uu madaxweynaha u soo gudbiyo jadwalkii doorashooyinka ( elections schedule ) mudada uu qaadanayo , in uu wakhtigu ku filan yahay oo xiliga la filayo doorashooyinka qaar wakhti ka horeeyaba ay diyaarin karaan iyo in doorashooyinka qaar mudo kordhin Kooban lagu sameeyo oo la iswaafajiyo sida ugu macquulsan ee ay u dhici karaan.

 

Sadexdii xisbi qaran ee 2012 ilaa 2022 oo hadana qayb ka ah daneeyeyaasha doorashada (Part of elections stakeholders)

 

Xisbiyada qaranka jamhuuriyada ee hadda jira oo sadex ah waxa haboon in ay ka fekeraan in wakhti ku socdo doorashooyinkiina fooda inagu soo hayaan laakiin doonistoodu aanay sharci aheyn ee waxa shuruucda iyo dastuurka dhigayo uu sharci yahay.

 

Haddaba si aan doorashana xiligeeda dib uga dhicin waa in ay garab galaan wado kasta oo lagu suuragalinayo doorashooyinka soo socda,  waxaana ay ku mahadsanaayeen sidii ay qaraarka maxkamada dastuuriga u soo wada dhaweeyeen,  haddana waxa looga fadhiyaa waxa qaraarka iyo xeer lr-14/2011 dhigayo in ay hogaansamaan.

 

Beesha caalamka iyo dawladaha jamhuuriyada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarka dumuqraadiyada

Waxa aanu soo dhaweynaynaa oo uga mahad celinaynaa hiilka ay la garab taagan yihiin hanaanka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland iyo sida ay dhaqaalaha iyo aqoontaba ugu bixiyaan doorashooyinka dalka.

 

Waxa aan la socod siinaynaa in maanta jamhuuriyada Somaliland looga diyaar garoobayo markii sadexaad ee dadka jamhuuriyada Somaliland isku habeynayaan ururo siyaasadeed oo markii ugu horeeyey ahaa 2002 , waxaana tartamay ururada , UDUB , KULMIYE , HORMOOD , SAHAN , UCID , ASAD waxaa barigaasi sadex xisbi qaran u gudbay UDUB , KULMIYE iyo UCID.

 

Waxaa markii labaad ahaa 2012 sida uu uu xeerka axsaabta qaranka iyo ururada siyaasadu  xeer lr-14/2011 qorayona waa in 10 kii sanadoodba hal mar fursad la siiyaa muwaadiniinta jamhuuriyada markaa waxa xiligaasi tartamay , ururada WADANI , DALSAN , XAQSOOR , UMADA iyo labadii xisbi ee KULMIYE iyo UCID oo waxaa is abaabulkii dambe burburay oo meesha ka baxay xisbigii sadexaad ee UDUB , waxaana 2012 noqday xisbiyo qaran KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

 

 

Maanta oo 2022 waxaa tartami doona sadexda xisbi ee WADANI , KULMIYE , UCID iyo ururada siyaasada ee cusub waxaana axsaab qaran noqon doona 10 ka sanadood ee soo socda sadexda xisbi ee tartankaasi ka soo baxa.

 

Waxaana markaa haboon in cidwaliba oo Somaliland jecel ka taageeraysa doorashooyinka iyo hanaanka dimuqaradiyadeed ay fahanto sharciga dalka iyo qaabka ay yihiin doorashooyinka dalku oo ay Somaliland ku garab siiyaan ilaalinta xuquuqaha siyaasadeed ee dadka jamhuuriyada Somaliland,  dastuurka dalka iyo xeerarka iyo qaraarka maxkamada dastuuriga ah ee dalka.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

[email protected]

Mob: +252634429221


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...