Xildhibaan Barkhad Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Suxufi Coldoon
Hargaysa (HWN) Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in Saxafi Coldoon ay dambi tahay sababta jeelka loogu siihayaa maadaama maxkamadu ku wayday dambi.
Waxaanu Xildhibaanku soo jeediyay in sideg deg ah xoriyadiisa logu soo celiyo Coldoon, sida uu ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-
Coldoon , sida uu xabsiga ugu dhex xidhanyahay hadda waa xaaran.
Hay'addaha garsoorka dalka waxa ay leeyihiin awoodaha dhageysiga dacwadaha
eedaysanayaasha, ka go'aan gaadhisteeda, iyo fulinta xukun caddaaladdeed oo
ciddi is haysay ku qancaan. Qof waliba waa dembi laawe illa inta maxkamad
sharci ahi dembi ku helayso; ka dibna uu noqonayo dembiile. Sidoo kale,
garsoorku wuxu leeyahay awoodda madaxbannaanida ee dastuurka dalku siiyey sida
ku cad qodobbada 37 iyo 97 ee dastuurka.
Haddaba waxa Coldoon dembi ku wayday Maxkamaddi awooda u laheyd ee gacanta ku haysay galki dacwadaha lagu soo eedayey, walow sharciyan ay awood u laheyd in ay ka garnaqdo dacwaddiisa Maxkamadda gobolka Togdheer oo aheyd goobti uu degganaa Coldoon isla markaana laga soo xidhay marka aragti sharci lagu eegayo "Jurisdiction of court." Si waafaqsan qodobada 7aad & 8aad ee XHC.
Coldoon wuxu xor noqday oo xabsi ka baxay maalinti Maxkamaddu sii deysay
sheegtayna in lagu waayey wax dembi ah, sabab loo haysatana la garan maayo
wali! Xuquuqdiisi qofeed lama dhowrin, xurmadi ay Maxkamaddu laheydna lama
ilaalin laba dembi ayaa meesha ka muuqda marka aragti sharci lagu eego sida uu
dhigayo qodobka 122 ee Xeerka Habka Ciqaabta oo lala akhriyo qodobka 26 ee Dastuurka.
Muddo dheer ayuu xidhnaa haddana wuu xidhanyahay tallaabooyinkani waxa ay
daliil u yihiin dib-udhaca iyo dhaawaca la gaadhsiinayo dastuurkeena iyo
hannaankeena dimuqradiyadeed, iyo Madaxbannaanideena garsoor.
Dunida iyo daneeyayaasha dimuquryadiyaddeena waxa ay tusaysa in aan wali
sarreynta sharcigeena iyo illaalinta sharafta shicibku dhowrsaneyn. Sabab hadda
Coldoon cid loogu baryo oo loo yidhaahdo sii daaya mabataal qof dambi lagu
waayey in la sii daayo mooye in cid kale loogu ergo tago waa gef sharci iyo
garasho gaabni.
Hay'addaha xuquuqal Insaanka, Xukumadda, iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha bulshadda waxa aan ugu baaqaya in cod dheer xuquuqda Coldoon lagu raadiyo caddaaladna uu helo ciddi isaga dembi uu ka galay oo gaar ah ku haysataana isaga oo bannaanka jooga dacwad ka furato Maxkamadda.
"Qofna sharciga kama sarreeyo ~No one above the law."