Yaradkii La Soo Illaaway!

0
Friday February 11, 2022 - 16:56:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaradkii La Soo Illaaway!

    W/Q: Mustafe Adam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mustafe Adam

Waa maalin jimce ah, waxa aannu inan ama gabadh u doonaynaa wiil dhallinyaro ah. Sii dhaqanku ahaa markii labadii qoys isa soo hor fadhiisteen ee inantii la is waydiistay ayaa odaygii hayay lacagtii yaradku xasuustay in uu lacagtii oo bushqad ku xidhan uu ku soo illaaway meheradiisii.



Naxdin waynaa!!!, Waxa aan isku dayay in aan xalliyo. Oday ka mid ah ragga ugu aftahansan ayuu nidhi hawshaada wado 'Kaftan bilow'.


Ninkii yaradka soo ilaaway ayaan waydiiyay in uu lacag ZAAD-ka ku hayo. Nasiib-wanaag, wuu hayay. Oday kale ayaa istagay oo yidhi: "Annaggu waxa aannu la jaanqaadnay jiilka  cusub, yaradkii waxa aannu ku sidnaa ZAAD, Yaan u dirnaa?"


Raggii goobta isugu yimi hal mar ayay qosol jaanta wadheen. Laakiin, naxdinta ka sii wayni waxa ay dhacday markii ninkii yaradka dirayay numberkii Soddoga khalday. Waxa aan dareemay in wax khaldan yihiin, nasiib-wanaag, dadku waxa ay ku mashquulsan yihiin kaftankii. Inta aan kacay ayaan ninkii lacagta dirayay waydiiyay in uu hubiyo qofka uu lacagta u diray, waaba magac gabadh! Aad ayuu mar labaad u naxay, haddana waxa aan waydiiyay in lacag kale ugu jirto, nasiib-wanaag, way ugu jirtay, Nambarkii saxda ahaa ee soddoga oo aan hayay ayaan u sheegay, kadib, isaga oo naxsan ayuu diray. Anna qoladii ZAAD-ka ayaan la hadlay oo lacagtii waa la xanibnay si loo hubiyo sababta.


Wiilkii meherkiisa ay dhacdadaasi ka dhacday oo saddex carruur ah leh ayaa Berbera nagu  casuumay.

Akhriste maxaa kaga baxay?


W/Q: Mustafe Adam

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...