DFS oo ka hadashay meydadka Soomaali laga helay xadka Giriiga & Turkiga

0
Thursday February 10, 2022 - 19:34:48 in News by
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS oo ka hadashay meydadka Soomaali laga helay xadka Giriiga & Turkiga

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee geeriyoosay, kuwaas oo kala ah .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee geeriyoosay, kuwaas oo kala ah .

 

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu soo wargeliyay in dadka tahriibayaasha ahaa ee meydkooda laga helay xadka Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen shan qof oo Soomaali ah.

 

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii dhintay ee la Aasay todobaadkan.

 

 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee geeriyoosay, kuwaas oo kala ah .

 

1. Cabdi Mahdi Cali

 

2. Yaxye Jamaal Muumin

 

3. Abuubakar Axmed Ibraahim

 

4. Naasir Sulemaan Xasan

 

5. Najax Cabdi Axmed.

 

” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa dalalka ay khuseyso iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR inay si deg deg ah u daba galaan oo ay baaritaan ku sameeyaan xaaladdaha ku xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna si kulul u cambaareyneysaa xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha iyo Badbaadada nolosha bini’aadamka iyadoo la raacayo Axdiga 1951 ee laxiriira Xaalada Qaxootiga iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.



Loading...
Loading...