"Waajibaadkayagu waa in aanu Xeerarka soo saarno" Xildhibaan Xarreed

0
Thursday February 10, 2022 - 16:21:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waajibaadkayagu waa in aanu Xeerarka soo saarno" Xildhibaan Xarreed

    "Waajibaadkayagu waa in aanu Xeerarka soo saarno" Xildhibaan Xarreed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waajibaadkayagu waa in aanu Xeerarka soo saarno" Xildhibaan Xarreed


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha guddi hoosaadka Shuruucda Golaha Guurtida Maxamuud Xareed Rooble ayaa ka hadlay Xeerka ka hor tagga xakamaynta Ganacsiga iyo Tahriibka dadka oo gacanta ay ku hayaan.


Maxamuud Xareed Rooble ayaa sheegay in Golaha Wakiillada uu ka soo gudbay Xeerka ka hor tagga xakamaynta Ganacsiga iyo Tahriibka dadka,waxaanu intaa ku daray in ay ka baaraan degi doonaan ka guddi ahaan Gole weynahana u gudbin doonaan.


"Xeerkani nidaamkii xeerarku lahaa ayuu marayaa Golaha Wakiillada ayuu ka soo gudbay annaguna dib ayaanu u eegi doonaa,marka aanu dhammaystirno ka guddi shuruuc ahaan ee aanu ka baaraan-degno,waxaannu ku rejo wayn nahay in Sabtida ama wixii ka dambeeya in aanu hor gayno Golaha Guurtida,”.

Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in fulinta xeerarka ay Xukuumadda u xilsaarantahay.Waxaanu yidhi

"Fulintiisana Xeerka waxa u xilsaaran waaxda fulinta annaga waajibaadkayagu waxa weeye in xeerarka aanu soo saarno,fulintiisana Xukuumadda ayaa u xilsaaran,waxaanan rejaynayaa in uu dhawaan naga dhammaan doono si aanu ugu gudbino Xukuumadda,”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta,waxaanu yidhi.

"Abaar ayaa waddanka oo dhan ka jirta Bari iyo Galbeedba gobollada barigu ha u sii darnaadaan'e Xeebta Galbeedka ee gobalka Awdal iyo Selel waa la mid oo abaarta ayaa saamaysay,Xukuumaddu guddi qaran ayay u Magacawday abaarta,”.

Loading...
Loading...