Dowladda China oo ka xanaaqday safarka Weftiga Somaliland ku joogo Taiwan

0
Thursday February 10, 2022 - 16:11:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda China oo ka xanaaqday safarka Weftiga Somaliland ku joogo Taiwan

    Dowladda China oo ka xanaaqday safarka Weftiga Somaliland ku joogo Taiwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda China oo ka xanaaqday safarka Weftiga Somaliland ku joogo Taiwan


Hargeisa(HWN):-Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibbada China Zhao Lijian, ayaa booqashada Waftiga Somaliland ku joogo Taiwan, ku tilmaamay in ay dhaawacayso madax-bannaanida China iyo dalal kale.



Warkan oo ay daabacday Wakaalada wararka ee China News Service, oo ah tan labaad ee ugu wayn wakaalada wararka ee ay leedahay dowlada China, marka laga yimaado Xinhua, ayaa lagu sheegay in Lijian uu safarka waftiga Somaliland kaga jawaabay warsaxaafadeed rasmi ah.

"Adduunka waxa ka jira kaliya hal China, Taiwan na waa qayb China kamid ah oo aan laga jari karin, mabda'a ah hal China ayaa ah xeer la aqoonsan yahay, bulshada caalamkuna isku raacsantahay" ayuu yidhi Lijian.

Lijain, ayaa sidookale, xisbiga haya talada Taiwan ku eedeeyay in uu shidayo dab, isagoo sheegay in DPP uu wax yeelaynayo madaxbannaanida China iyo waddamo kale oo aanu carabaabin, laakiin loo fasiran karo inuu uga jeedo Soomaaliya.

"Xisbiga DPP kaliya uma socdaan in ay kala gooyaan China, dabka ayay sidookale babinayaan (hufginayaan) waxay wax yeelaynayaan midnimada iyo wadajirka waddamo kale, marka danbena iyaga uun baa lugta iska toogan doona" ayuu yidhi Lijian.

Dowladdaha China iyo Soomaaliya, ayaa ka gadoodsan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, tan iyo markii uu bilaabmay badhtamihii sannadkii 2020, iyagoo marar kala duwan cambaareeyay.

Loading...
Loading...