Sheeko Ka Dhacday Beel Deganayd Ethopia Iyo S/L Dhexdooda,Ruqe Ninkii Hayaa Ma Kaco Qaybtii 2aad
Mucjisadu waxay noqotay, Habeen walba dhawr Nin baa Daaqa loogu dhiiba Geela ballankuna ahaa marka aad Daaqa dhigtaan xaga Dambe ee Xerada oo suryo yari ku taalo ka baxa oo Guryihiinii ku nasata inta wareega kale ee Daaq guridu idin soo gaadhayo.
Marka ay gudaha hadaba galaan Ragga Daaqa sidaa ayay arkaan dhibaatada iyo lama filaanka gudaha Xerada ka dhacday oo Geelii wali Bahalkii ku dhex jiro si fiican oo kaydsi lehna u cunayo, kadib Ragii Daaqa siday wuxuu u qaybsamay:-
a) wax Muraala dilaaca oo halkii Naftu kaga dhacdo qaadan waa awgeed.
b) wax Isdhaafay ama Waashay kuna dul wareegaya Xerada iyagoo isla hadlaya oo aan Cidina fahmayn waxay ku hadlayaan iyaguse is leh wax u sheega Dadka iyo
c) wax Hunguri qaaday markii horena u dhashay Nin sooreed oo Bahalka dhiiga la caba (la boob) kadibna iyaguba ku Bahaloobay dhiigii kulana heshiiyay Bahalkii Dugaag"wixii dhacayaba dhankaaga qabsoo ma wada dhergnaa dhamaanteen”.
Halkaa Geelii waxa iskugu darsamay Bahal Dad iyo Bahal Dugaag. Geelu wuxuu ku ololayaa "Libaax qawdhamay oo qarsoonaa ayaa qoortiyo qawlalada ijaray mana qixi karoo waan u qalanahay”.
Markaad dib sheekada ugu noqoto, waxaad garan kartaa waxa keenay intaas oo mashaqo iyo burbur Dad iyo Xoolaba leh tii hore iyo tan dambe labadaba inay ahayd Baylah ciddii lahayd baylihisay "(Ruqe Ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco)”.
Su’aasha meesha taalaase waxay noqotay, Ragga Geela soo dhiciyay ee intaas oo mur iyo deebaaq ah la soo maray Geelan hanbadiisa, waxay Eedda dusha ka saaraan Duqaydii Reerka u talinaysay oo aan Ood Fiican xoolaha kaga oodin Bahalka amba aan qaadan talo iyo qaylo dhaan wixii u imanayay.
Waxa kale oo iyana maan dhaaf iyo xusuus qor mudan Ubadka soo kacaya oo qaar badani ku waayeen Waalidkood raacdan Geela inay ku Eedayn doonaan Berito Raggan hadda hawsha Reerka wada inay.
Geela kusoo xareeyeen Xero ayna ka hubsan inuu Bahal ku jiro oo waliba Oodana ugu dheereeyay haddii wuxuuni ka cayntan lahaayeen.
Waxana Murugo mudan in tacabkii Ragani u ekaan doono " Hal bacaad lagu lisay”iyo farta dhexda ka qaniin mar labaad marka la ogaado sirta Xerada wakhti aan waxba laga qaban karin.
Waxa kale oo jawaab aan loo helayn ilaa hadda, Rag iyo Dumar wixii dhacdadan taariikhiga ah ama u dhintay ama ku daaduumay, taas oo qaarkood odhan lahaayeen haddii la maqlayo sidan:-
Maatidiyo dhallaankaan
Awgood u mayd ahay
Milic iyo kulaykii
Maalmihii i soo maray
Maska iyo Abeeskiyo
Mulacyadiyo Diinkii
Maalay qadhaadhiyo
Waxaan dhiiga ka muudsaday
Hadaan muusanaaboon
Xabaalaha ku madi ahay
Madax loo salaaxiyo
Maamus ha joogtee
Maandeeq Hashoodii
Midhadhkii usoo hadhay
Maxlal iyo miyuu Bahal
Misna wali ku maran yahay.
Waxa intii sheekadu socotay war deg-deg ah soo diray Nin ka mid ahaa Dadkii daaduumay oo xog waraystay sida Reerkii ku dambeeyay iyo inaan dhibtii wali ka dhamaan, balse aan lahayn awood uu ku soo noqon karo, wuxuuna warkiisu ahaa:-
Madadaalo iyo Been
Ninka madax u lulayaa
Marti Xoolahaagii
Ninka ay la mudantahay
Ma yeedhaan sidiisii
Ninka qosol la maqan wali
Mid subxaana laahiye
Ninka hoos ku malablaha
Mahad Eebbe weeye
Soo meero lagu yidhi
Mididiyo Fundhaalada
Ninka maydhayee qaday
Maangaab dadkaygow
Igu maqan dhibtiinuye
Mar labaad Xumaantii
Meesheedi gaadhoo
Madax qabasho mooyee
Mijo lama hawaystee
Intaan maaha sheekadu
Mooji mooyi lagu odhan
Intaan meel fog oo dheer
Mar labaad lagaa dayin
Masalaha intaan Cadaw
Ku mulaaqin dhoobada
Maxastiyo Carruuraha
Intaan maydku tiro badan
Masiibooyinkii hore
Hawlihii la soo maray
Maaxatoo Xumaantii
Meeraarta dhaaftee
Maqashiyo Baraarkii
Laga waa Mareegtee
Miyi iyo Magaalaba
Maad meeris xidhantaan?
Majabtaysi shaydaan
Meesha maad u diidaan?
Maqaar saarka ceebta ah
Maya maad tidhaahdaan?
Mudutuusha qaarkood
Malafsade Dhul jiifka ah
Maalooti iyo faan
Anakaa ku madhanoo
Mugga nama martee joog
Maruun maad tidhaahdaan?
Magawshoo ka maalee
Xigta maad ka murantaan?
Murdiyoo dhamaystoo
Muus muustay farahoo
Meegaate Haantee
Maamuus ma joogtee
Maad Mudacyo gelisaan?
Wax magaalo joogiyo
Kuwa maalka raacaba
Waa laga malaasoo
Nimco waa ka maqantee
Meehanoow Islaamkuye
Ma Dayrkii Makuu gubay?
Maqasheen ka dhagaleey
Ma Massjidbuu riday?
Sheekadan oo gunaanadkeedu u muuqan doono Huradayooy Toos, hadana wali waxaad moodaa inay arrini tahay "Dhegihii Alla waaniyaa waansama”.
Hadaba anigoo sheekadan goob joog u ahaa iyo adigoo akhriste ila dareensan hawsha culayskeeda wakhtigan xaadirka ah; Sideeynu u macnaysan karaa amba u fahmi karaa "Qof Muslima God laba jeer lagama wada qaniino”amba "Mar i dage Alla ha dago......”.????????
Qore:
Horow soco faarax......