Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amniga Bedweyne kala hadlay Odayaasha Dhaqanka

0
Thursday February 10, 2022 - 14:18:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amniga Bedweyne kala hadlay Odayaasha Dhaqanka

    Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka



Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan la qaatay Nabadoonada Waxgaradka iyo Cuqaasha beesha Gaaljecel oo kamid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.


Madaxweynaha waxaa kulankaan ku wehliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana looga hadlay sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen beesha iyo Maamulka Hir-Shabeelle, la iskana kaashan lahaan nabada Magaalada Beledweyne.



 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka beeshaan dooorkii muuqda ay ku lahaayeen aas aaska Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan Hirshabeelle, waxa uuna balan qaaday inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Hirshabeelle, waxa uuna kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasilinta Magaalada Beledweyne.

Loading...
Loading...