Go'aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe

0
Thursday February 10, 2022 - 11:28:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe

    Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud


Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah Shir Guddoomiyay Shirka Saraakiisha Amniga Caasimada Puntland ee Magaalada Garowe.


Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Nugaal iyo kantaroolada laga soo galo magaladda Garoowe.



 

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga guud ee caasimada ka hortaga mandooriyaha.


Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal ayaa warbixino ka dhagaystay Taliyaasha saldhigyada iyo kantaroolada iyagoona ka warbixiyay shaqooyinka siday u socdaan.


Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sarakiisha kula dardaarmay xoojinta amniga Caasimada.


"Kooxaha argagixisada waxay donayaan inay khal khal amni daro ka sameyaan gudaha Garowe ee waxaa loo bahan yahay inay feejignaan galaan Ciidamada amniga baaritaan dheerna ay sameyaan ayuu yiri” Taliye Xuseen.


Magaalada Garoowe ayaa kamis ah Goobaha ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay aad loo adkeeyay Amniga Magaalada.

Loading...
Loading...