Irbad Lagula Dagaalamayo Buurnaanta Oo La Soo Saaray Iyo Qaabka Loo Isticmaalaayo

0
Thursday February 10, 2022 - 08:52:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Irbad Lagula Dagaalamayo Buurnaanta Oo La Soo Saaray Iyo Qaabka Loo Isticmaalaayo

    "Cayilka aadka u daran ayaa waxaa lala xiriiriyaa cuduro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cayilka aadka u daran ayaa waxaa lala xiriiriyaa cuduro"

Dadka cayilan ee hilibka leh waxay ay dhawaan heli doonaan war ay ku farxaan oo ay miisaankooda ku dhimi karaan.



Irbad toddobaadkiiba hal mar ay qaadan doonaan ayaa ka caawin doonta inay dhimaan miisaankooda.

Cirbadda semaglutide Wegovy waxay ay kaa dhigaysaa sidii qof dhargan oo kali oo aan u baahnayn in uu wax cuno islamarkana ma dareemeysid wax gaajo ah.


Intii lagu guda jiray tijaabada tallaalka, oo lagu daray cunto caafimaad leh iyo jimicsi, waxay ka caawisay dadka cayilan inay dhimaan boqolkiiba 10 ka mid ah miisaankooda.


Machadka Qaran ee Caafimaadka iyo Wanaajinta Daryeelka ee dalka britain ee loo soo gaabiyo (NICE) , ayaa ku talinaya in tallaalka lagu soo daro nidaamka caafimaadka ee dalka UK.


Si kastaba ha ahaatee, talooyinka laanta caafimaadka ee NICE ee England iyo Wales weli lama ansixin, ilaa iyo inta la raacayo tilmaamahan soo socda.


  • Waa in ay ansixiyaan oo ogolaadaan xirfadlayaasha caafimaad oo ay u qoraan dadka doonaya in miisaankoda dhimaan.

  • Waxa loo qorayaa dadka miisaankoodu sarreeyo oo qaba dhiig karka ama wadne xanuunka.

  • Waa in qofka uu irbadan wadaa mudoo labo sano oo kali ah, waana mid uu qofka isaga isku durayo.

Cayilka aadka u daran ayaa waxaa lala xiriiriyaa cuduro badan oo dadka ku dhaca islamarkana dhibaatooyiin badan sababa.


Qaabka cusub ee dalka Mareykanka loo dhimo miisaanka

Saynis yahano u dhashay dalka Maraykanka ayaa sheegay in hal oo aad jimicsi sameyso habeen kasta ay kaa caawin karto inaad gubto 270 kalori hal maalin gudaheed.


Koox khubaro ah oo ka tirsan jaamacadda Chicago ee xarunta cilmi-baarista hurdada ayaa sheegay in hurdada hore ay ka caawiso dhimista rabitaanka iyo cunista xad-dhaafka ah, ka dibna nasasho fiican oo uu qofku helo waxay yareynaysaa rabitaanka cunnada ee qofka.


daraasadan ayaa waxaa lagu eegay 80 qof oo ay ku jiraan 41 rag ah iyo 39 dumar ah, kuwaas oo dhammaantood ahaa kuwo buuran, waxaana lagu ogaaday in habeen kasta ay seexdaan wax ka yar 6 saacadood iyo bar, taasi oo ka yar 8 saacadood ee uu qofku u baahan yahay inuu helo habeen kasta.


Dadkan ayaa waxaa loo qoray in ay seexdaan hurdo wanaagsan iyaga oo loo soo jeediyay inay kordhiyaan saacadaha hurdada.


Nidaamkan waxaa loo isticmaalaa in lagu tijaabiyo isbeddellada ku yimaada jirkooda iyo xisaabinta xadiga dufanka ay gubaan habeen kasta.


Professor Esra Tasali oo hormuud ka ahaa cilmi-baaristan ayaa sheegtay in hurdo ku filan oo la seexdo ay tahay waayo-aragnimo nolosha wax ka beddesha, gaar ahaan dadka buuran.


"Daraasaddani waxay soo gebagebaysay cilmi-baaris muddo 15 sannadood ah laga waday xiriirka ka dhexeeya hurdada, buurnaanta iyo tamarta.


Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee hurdo la'aanta ayaa la xiriirta aaladaha ama taleefannada aysan dadka badankoodu noolaan karin la'aantood, islamarkana ay dadka isticmaalaan hurdada ka hor.


Ku dhawaad ​​afartii qof ee ku nool UK mid ka mid ah ayaa la ildaran buurnida halista ah taasi oo horseedaysa in qofka ay ku dhacaan cudurada qaar.

 

BBC

 

Loading...
Loading...