Shiinaha Oo Ka Jawaabay Booqashada Wefdiga Somaliland Ee Taiwan

0
Thursday February 10, 2022 - 08:41:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha Oo Ka Jawaabay Booqashada Wefdiga Somaliland Ee Taiwan

    "xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan"

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian, ayaa ka jawaabay "booqashada" wefdi ka socda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ay maalintii labaad ku jooganTaiwan, halkaas oo la filayo inay ku kala saxiixdeen heshiisyo horleh.

 

Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yirahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

 

Zhao Lijian waxa uu sheegay in Taiwan ay "isku dayday in ay raadiso gooni-u-goosad balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale mabda'a in hal dal oo shiinaha ah uu jiro, waa xeer ka mid ah xiriirka caalamiga ah."

 

Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin, .

 

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.

 

Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna uu ugaarsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.

 

Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.

 

Sannadkii 2020-kii ayay samaysteen xiriir xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka caroodeen.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xiriirka Taiwan ku tilmaamay "xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya”

 

BBC


Loading...
Loading...