Somaliland iyo Taiwan oo ka wada-hadlay Ganacsiga iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah

0
Wednesday February 09, 2022 - 18:00:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Taiwan oo ka wada-hadlay Ganacsiga iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah

    Somaliland iyo Taiwan oo ka wada-hadlay Ganacsiga iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Taiwan oo ka wada-hadlay Ganacsiga iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa qaabishay Weftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland DR. Ciise Maxamuud Kayd, waxayna labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga ganacsiga, iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.




Madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in Somaliland ay Taiwan u tahay albaab ay ka galayso Afrika, oo horseedi kara horumarka maalgashiga ay Taiwan rabto in ay ka fuliso qaarada Afrika, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ku taalo bogcad istaraatiji ah.


Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland DR. Ciise Kayd ayaa sheegay in haddii Taiwan kordhiso dhoofka Badeecooyinkeeda ay ku gayso qaarada Afrika, ay labada dhinacba ka faa'iidi doonaan.

"Waxan maalgashada yaasha reer Taiwan ku soo dhawaynayaa qaaradayada, waynu ka wada faa'iidaysanaynaa oo Taiwan waxay kordhinaysa dhoofka alaabadeeda ee Afrika, anagana shaqa abuur ayaa u kordhaya dhalinyarada yada" ayuu yidhi wasiir Kayd.



Sidoo kale, wuxuu u soo bandhigay inay Taiwan ka faa'iidaysato khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Somaliland.

"Markay noqoto Macdanta, Somaliland khayraad badan ayaa ku jira, oo shisheeyuhu maalgashan karo sida, Hydrocarbon deposits ka, Saliida iyo Shidaalka iyo Dhuxul dhagaxda, kuwaasi oo lagu ogaaday sahamin la sameeyay sannadihii lasoo dhaafay" Ayuu yidhi Wasiir Kayd.


Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in Taiwanese ku ay ka faa'iidaysan karaan Maalgashiga dhinacyada Dalxiiska, Beeraha iyo Kalluumaysiga Somaliland.
Madaxweynaha Taiwan ayaa rajaysay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu soo booqdo Taipei si loo sii adkeeyo xidhiidhka labada dhinac.

Loading...
Loading...