Asaaskii Ciidanka Qaranka Somaliland Waxay Ku Beegantahay 2da Feb.1994

0
Wednesday February 09, 2022 - 08:54:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asaaskii Ciidanka Qaranka Somaliland Waxay Ku Beegantahay 2da Feb.1994

    W/Q: Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid Odowaa

Dad badan waxay isku khaldaan maalintii Abaabulka saarkii iyo Hub ka dhigistii Ciidanka SNM iyo Maalinta loo asteeyay Ciidanka qaranka 2da feb 1994,haddaba haddii anan khaldanayn Hub ka dhigistii Ciidanka waxa bilaabay Guutadii 10aad (Sancaani) ee SNM oo u haggaminayo Suldaan maxamed Suldaan faarax iyo Madaxdii hor kacaysay waxay goor galab ah ku soo shubeen Ciidankii iyo hubkiiba Stadium hargeisa  Madaxweyne Cigaal ayaa goob jog ka ahaa iyo madax kaloo badan



Dhowr cisho ka dib waxa ku xigtay Guutadii 11aad,waxa ku xigtay GT 4aad waxa ku xigtay GT.5aad halkaas ayay ku hir gashay Hub ka dhigistii Ciidanka SNM oo la raacay waddadii uu jeexay Suldaan maxamed (AHN)


Howshii way sii socotay waxa la isu keenay oo Beelaha Somaliland laga soo Xulay Ciidankii ugu tabobar fiicnaa oo ka koobnaa  (500 )askari waxa loo diwaan geliyay inay yihiin Cuttubkii ugu horreeyay ee Guutada 1aad Ciidan qaranka J,s,l waxa markii ugu horraysay mushaharkooda bixin jirtya Hayaddii UNISOM waxana ay mushaharka siinaysay tan iyo markii lacagta Somaliland la soo daabacayay markii lacagtii Somaliland waa laga maarmay Unisom.


 Ciidankaas waxa loo soo raray oo la rabay in la dejiyo Xarunta Taliska guud halka maanta ay tahay halkaas waxa degganaa Ciidan jabhad ah oo la odhan jiray Sayid Xamse waxaa lagu war geliyay inay ka guuraan taliska Ciidanka haddii ay rabaanna la qaramayn doono lakiin meeshan ay tahay Xero Ciidan hase yeeshee way ka dhego adaygeen.


Ka dib ciidankii qaranka oo ahaa Guutada 1aad oo ka kooban 500 askari ee aynu kor ku soo xusnay oo uu taliyaha Ciidankuna ahaa Xasan Cali abokor ayaa weerar ku qaaday xerada Ciidanka ee taliska guud dagaal mudo socday Xeradii waxay Gacanta u gashay Ciidanka qaranka qoladii jabhadda ahayd waa laga caydhiyay.Waxa halkaas kaga geeriyooday Askarigii ugu horreeyay Ciidanka qaranka oo ka soo jeeday Gobolka Awdal (Ask/CQ-Saleebaan muuse Xuseen).

 

Aaskiisi oo ka qabsoomay Taliska Guud CQ dhexdiisa   waxa maalintaas ka soo qayb galay M/Cigaal waana isla 2dii Feb 1994 waxa uu cigaal kaga hadlay Aaskii askariga dushiisa Waxanu yidhi maanta waxaynu dhisnay Ciidan qaran askarigaas ayaynu maanta u aqoonsanahay muj; ugu horreeyay ee u dhinta Difaaca dalka illaa aynu dalka wada xasilino nabadisa halkaas ayaynu ka wadaynaa.


Mdaxweyne M.x.i,Igaal maalintaa Siyaasad (Policy) ayuu arrintaas uga dan lahaa in Jabhadnimada laga baxo wuu jeclaa maadama dalkii xoroobay,sidoo kale wuxuu doonayay in Taariikh la wada leeyahay dadka Reer Somaliland uu u bilaabo waana la gaadhy guushii oo maanta dalka oo dhan Ciidanka qaranku wuu wada gaadhay.


Sidaas dareedeed waxan ku baraarujin lahaa maalinta Ciidanka qaranka loo asteeyay waa 2da Feb sannad kasta ee yaan taariikhda la qaloocin oo aan loo sheegin qaab aanay ahayn hana la isu ogolaado magaca iyo taariikhda maaddama dalka la wada l.eeyahay.

 

 

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...