Guul Ay Higsanayaan Carruur Rajo-Sabool-ahi

0
Wednesday February 09, 2022 - 08:51:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guul Ay Higsanayaan Carruur Rajo-Sabool-ahi

    W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

Aabihii 10kii sanno ee la soo dhaafay wuu jirranaa, wuxuuna ahaa dhul-yaal oo mar iyo dhif uun buu sariirta kor uga kacayay. Hooyadiina waxay dhimatay isagoo 15 jir ah, haseyeeshee, caqabadahaa waaweyn si layaab leh buu kaga dabaashay!

 

"Hooyaday intaanu abtigay  fiidkii dhakhtarka u raacin, waxay la sii dardaarantay inanta noogu weyn oo markaa dhawr & toban jir ahayd, waxayna ku tidhi: hooyo adigaan caruurta kugu ogahay," ayuu isagoo hibanaaya habeen baaskaa hooyadii xijaabatay, taksiilahan da'da yari qasadiisa iiga waramay.

 

"Waaberigii, ayaa sandaqad qol ah iyo buul yar oo noo dhisnaa si xoog ah naloogu soo garaacay, debeetana waxaa naloo sheegay in hooyo AHUN naf-baxday!



Halkii dharaartaa i go'dayna weli wey i go'an tahay, oo walaashay oo 9 jir ahayd murugadeeda ayaa i beer qaadaysay," ayuu sii raaciyay isagoo wajigiisu xusuustaa hore la qayirmay.

 

Caruurtan rajadda noqotay, cid kale oo wax ku dhaanta oo caawisa maanay lahayn, hooyadii biilkooda la kacaa-kufi jirtayna Eebbaa oofsaday.

 

Kolkaa, aabihii oo intii hooyadii waraaqaysay loo qaaday guriga inan bah kale ah oo xaasleey dan-yara ahayd,  baa u yeedhay isaga iyo walaalkii oo sanad ka weynaa, si aanay gaajo darteed ugu yuqumoon, ayna saxanka gacanta ula geliyaan markuu Illaahay wax keeno.

 

Waxay nolosha la harjadaanba, inantii ugu weynayd waa la guursaday, tii ugu yaraydna iyadaa u sii kaxaysatay Garoowe oo ninkeedu degenaa. Walaashood markaa iyada lafteedu waxay ahayd loxos cusub, haseyeeshee waxay suuf-iyo-xanjo isku dhejisaba, waxay isku taxalujisay inay lacagta iskuul fiiga ah iyadu bixiso, ilaa uu ka soo gaadhay fasalka 3aad ee jaamacad uu ka barto cilmiga kambayuutarada ee IT.

 

Nasiib-darro se, diraacdii 2aad ayay shaqadii ka dhamaatay ninkeedii oo ay ku wada tiirsanaayeen. Kadibna, waxa walaashii soo food saartay duruuf adag oo dhaqaale, oo waxay xitaa tahli kari weyday inay iska bixiso fiigii jaamacaday iyadu dhigan jirtay.

 

Dabadeed, waxay inantii qaadatay go'aan milatari! Waxay go'aamisay inay iibiso nus-boos ka mid ah booskii ay deganaan jireen ee sandaqada ahaa, si ay walaalkeed ugu iibiso gaadhi (Toyota Pro Box) uu ku tagsiileeyo gelinka uu firaaqada yahay, si aanay wax-barashadiisu uga kala joogsan, wuxuuna hadda bilaabay sanadkiisii ugu dambeeyay ee jaamacada.

 

"Gelinka aan tagsiilaha ahay mooyaane, waxaa weliba ii sii dheer, waxaan jaamacada geeyaa kana soo celiyaa arday jaamacada ila dhigata, waxaana bishiiba ka qaataa $80. Maalin kasta lacagta aan sameeyo inta aniga iyo walaalahay naga soo hadha, waxaan ku ritaa akoon taleefoon iska xidhan (saving account) si aanan uguba hunguroonin, lacag 20,000 SL ahna ($2.35) waxaan maalin kasta ku darsadaa hagbad" ayuu hadalkiisii ku soo af-meeray markaan soo gaadhay goobtii aan ku socday!

 

Dhalinyaradan, caqabadahii waaweynaa ee lasoo dersay, kumay khasbin inay is-dhiibaan, iminkana waxaa u soo carfaysa midhihii guushooda oo ay dhawaan rajaynayaan (i.a), waxayna sii tiigsanaayaan himilo intaa aad uga sii fog! Tani, waxay cadayn nool u tahay, faa'iidooyinka adkaysiga, samirka, isku-tashiga, isku-kalsoonida iyo in isku-tiirsanaantu ay fure u yihiin hanashada guusha & horumarka!

 

Qisadii tagsiilihii-ardayga ahaa ee aan shalay ka soo raacay cusbataalka Manhal oo walaashay il loogu fiiqayay!

 

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...